Arne Slot ayaa qirtay in kooxdiisu ku guuldarreysatay inay la tacaasho awoodaha Manchester United, taas oo sababtay inay dhibco ka waayaan kulankii ka dhacay Old Trafford Axaddii.

Liverpool ayaa la kulantay guuldarradii 11-aad ee xilli ciyaareedka Premier League, kadib markii 3-2 looga badiyay United, kulan kale oo muujiyay daciifnimada kooxda.

Liverpool waxay 2-0 ku ahayd nasashada, kadib 45 daqiiqo oo aad u liidatay, iyagoo ku dhibtooday xoojinta iyo cadaadiska United. Si kastaba, goolal ay dhaliyeen Dominik Szoboszlai iyo Cody Gakpo ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2, ka hor inta uusan Kobbie Mainoo dhalin goolka guusha oo ahaa mid qurux badan oo ka yimid bannaanka diilinta.

Szoboszlai ayaa sheegay ciyaarta kadib in awoodda United ee goolal ka dhalinta kubbadaha taagan (set-pieces) iyo weerarada degdegga ah (counter attacks) la ogaa kahor kulanka, isla markaana uu ka xumaaday in labadaas hab ay goolal ku dhaliyeen 14-kii daqiiqo ee ugu horreeyay.

Arne Slot ayaa sidoo kale arrintaas la qabay:
“Ma aanan xakameyn karin awoodahooda. Waan ogayn in ay ku xooggan yihiin kubbadaha taagan iyo weerarada degdegga ah. Goolka koowaad wuxuu ka yimid kubbad taagan, kan labaadna waxaan kubbadda ku luminay meel qaldan, taas oo siisay fursad ay ku weeraraan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in United ay si fiican u difaacato marka ay dib u gurato (low block), kadibna si degdeg ah u weerarto, taas oo Liverpool ku qasabtay inay wax ka beddesho qaab ciyaareedkeeda qaybtii labaad.

Slot ayaa sidoo kale ka niyad-jabay goolka saddexaad ee ay dhalisay United, maadaama Mainoo la siiyay boos badan oo uu si fudud kubbadda ugu dhaliyo shabaqa.

“Markii aan 2-2 ka dhignay, qofna ma fileynin inaan guuldarreysano, laakiin xilli ciyaareedkan marar badan ayay dhacday in hal ilbiriqsi oo feejignaan la’aan ahi naga keento gool,” ayuu yiri.

Guuldarradan ayaa Liverpool ka dhigeysa kaalinta 4-aad, iyadoo u baahan afar dhibcood oo dheeri ah si ay u xaqiijiso booska shanta sare. Dhanka kale, Manchester United ayaa xaqiijisay inay ka qeyb geli doonto tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *