Ciyaaryahanka da’da yar ee Chelsea, Jesse Derry, ayaa “miyir qaba oo hadlaya” kadib markii garoonka Stamford Bridge looga qaaday sariir caafimaad (stretcher) isla markaana isbitaal loo qaaday kadib isku dhac halis ah oo uu la galay ciyaaryahanka Nottingham Forest, Zach Abbott.

Wiilka 18 jirka ah ayaa kulankan ahaa kii ugu horreeyay ee uu ka bilaabo safka koowaad, wuxuuna ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu firfircoonaa kooxda, isagoo isku dayayay inuu dib ugu soo celiyo ciyaarta kadib markii ay 2-0 ku hoos dhacday qeybtii hore.

Si kastaba, kulankiisii ugu horreeyay ee heerka sare wuxuu ku dhammaaday si xun kadib markii uu madaxa isku dhuftay Abbott daqiiqaddii 44-aad iyagoo isku dayayay kubbad hawada ah gudaha xerada ganaaxa. Derry ayaa kubbadda si yar uga hormaray, wuxuuna kasbaday rigoore.

Daryeelka labada ciyaaryahan ayaa noqday arrinta ugu muhiimsan, maadaama labadooduba ay dhulka ku dhaceen. Derry ayaa isbitaalka loo qaaday kadib markii gargaar caafimaad lagu siiyay garoonka.

Kooxda Chelsea ayaa bayaan soo saartay oo lagu yiri:
“Jesse waa miyir qabaa, wuu hadlayaa, wuxuuna marayaa baaritaanno taxaddar ah. Waxaan u rajeyneynaa soo kabasho degdeg ah, waxaana u mahadcelineynaa shaqaalaha caafimaadka.”

Saaxiibadiis ayaa si degdeg ah u codsaday in la beddelo, halka garsooraha Anthony Taylor uu isla markiiba u yeeray dhaqaatiirta.

Abbott, inkastoo uu argagaxay, wuxuu awooday inuu istaago oo socdo isagoon gargaar u baahnayn, iyadoo kooxda Forest ay isticmaashay beddelka dhaawaca maskaxda (concussion substitute), kuna beddeshay Neco Williams.

Derry ayaa muddo dheer dhulka yaallay iyadoo dhaqaatiirtu ku hareereysan yihiin, waxaana la siiyay oksijiin muddo ka badan siddeed daqiiqo. Taageerayaasha garoonka ayaa u istaagay sacab sharaf ah markii lagu qaaday stretcher loona qaaday isbitaalka Chelsea and Westminster Hospital si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.

Waxaa lagu beddelay Liam Delap, halka goolhayaha Matz Sels uu ka badbaadiyay rigoore uu tuuray Cole Palmer, taasoo keentay in Chelsea ay weli 2-0 ku hoos gasho qeybtii hore.

Qeybtii labaad waxaa markale dhacay isku dhac madaxeed, markan u dhexeeyay Morgan Gibbs-White iyo goolhayaha Chelsea Robert Sanchez. Labaduba waxay heleen dhaawacyo, balse waxay ka baxeen garoonka iyagoo soconaya kadib markii madaxa la duubay.

Sanchez waxaa lagu beddelay Filip Jorgensen, halka Gibbs-White lagu beddelay Chris Wood, taasoo ka dhigeysa inuu shaki ku jiro kulanka xiga ee Europa League ee ay la ciyaarayaan Aston Villa.

Dhanka ciyaarta, Taiwo Awoniyi ayaa goolka furay daqiiqadihii hore, halka Igor Jesus uu rigoore ku daray kadib qalad uu galay Malo Gusto. Awoniyi ayaa markale dhaliyay gool saddexaad daqiiqaddii 52-aad, halka Joao Pedro uu gool qurux badan oo madaxa rogaal-celis ah u dhaliyay Chelsea waqtiga dheeriga ah.