Manchester United ayaa la sheegay inay ugu danbayn ka tanaasusushay mowqifkeedii, isla markaana hada ogaalaan doonto in Markus Rashford in lagu iibiyo qiimo hooseeya kii hore ka duwan, kadib bilo badan la isla dhexmaraayay inuu u wareegayo FC Barcelona.

Manchester United ayaa ogaalatay Rashford inuu xilli ciyaareedkan amaah ku qaato Camp Noe, iyadoo labada kooxood ay ku hesheeyeen qodob iibsi oo dhan $34.9 million oo hesheeska ku jira.

Rashford ayaa khilaaf kala dhexeeyay tababare Robern Amorin18 bilood ka hor, wuxuuna lix bilood amaah ku qaatay Aston Villa intii uusan si ku-meel gaar ah ugu wareegin Barcelona.

Man United wax dan ah kama laha in ay sii haysato Markus Rashford, in kastoo uu katagay tababarihii Robern Amerim, Maamulka INEOS ayaa doonaya in ay ka saaraan mushaarka tirada badan ee Rashford ka qaato kooxda si loo yareeyo qarashaadka mushaarka ee Old Trafford.

Warar badan ayaa sheegaya in ay FC Barcelona ay diyaar utahay inay heshiis la gasho Man United xagaagan, balse kaliya haddii ay United ay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso ciyaaryahanka ama ay oggaalato heshiis amaah kale.

Manchester United ayaa hadda “si buuxda u furan fikradda ah inay aqbalaan iib qiimo jaban”, halka FC Barcelona ay “wali si adag u doonayso inay la saxiixato” xitaa ka dib markii ay u dhaqaaqday Anthony Gordon.

Kadib markii uu Manchester United siiyay mushahar kordhin weyn sababo la xiriira u soo bixitaankooda Champions League, kooxda ayaa hadda “aad u doonaysa inay ciyaaryahanka ka saarto liiska mushaharka si kasta oo suurtagal ah.”