Cristiano Ronaldo ayaa isaga oo aan si wanaagsan ku macasalaamayn xulka qaranka Portugal ka tegay, waxaana durba bilaabmay isbeddelka lagu qaybsanayo dhaxalkii kabtanka muddada dheer hoggaaminayay xulka.
Cristiano Ronaldo ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay inuu soo afjaray safarkiisii ciyaaraha caalamiga ah, kaddib in ka badan 23 sano oo uu si sharaf leh u metelayay xulka qaranka Portugal.
Go’aanka Ronaldo ayaa la sheegay inuu qayb ahaan la xiriiray khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo tababaraha xulka, Jorge Jesus, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin in arrintaasi sabab u ahayd go’aankiisa.
Ronaldo oo ah ciyaaryahanka ugu safashada iyo goolasha badan taariikhda xulalka qaranka ayaa muddo dheer ahaa wejiga iyo hoggaamiyaha Portugal. Hase yeeshee, bixitaankiisa kaddib waxaa durba billowday isbeddelka lagu buuxinayo boosaskii iyo astaamihii uu ka tegay.
Funaanadda lambarka 7-aad ee sida weyn loogu yaqaanay Ronaldo ayaa durba yeelatay milkiile cusub, waxaana kulankii ugu horreeyay ee uu Ronaldo ka maqnaa xerada tababarka Portugal lambarkaas loo xiray xiddiga Rafael Leão.
Dhanka kale, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kabtannimadii uu muddada dheer xirtay Cristiano Ronaldo uu la wareegay Bernardo Silva, kaas oo noqonaya hoggaamiyaha cusub ee Portugal garoonka dhexdiisa.
Portugal waxay wajahaysaa bog cusub oo taariikhdeeda ah, iyadoo laba ka mid ah astaamihii ugu waaweynaa ee Ronaldo, lambarka 7-aad iyo kabtannimada, ay heleen milkiilayaal cusub. Su’aasha weyn ayaa ah: ma awoodi doonaan Leão iyo Bernardo Silva inay buuxiyaan kaalintii uu Ronaldo ku lahaa xulka qaranka?