Kooxda RB Leipzig ayaa lagu soo warramayaa inay qiime aad u sarreeya dul dhigtay xiddigeeda Antonio Nusa, iyadoo kooxaha doonaya inay la wareegaan ciyaaryahanka reer Norway bisha Janaayo laga doonayo inay miiska soo saaraan lacag ka badan €100 milyan.
Leipzig ayaan hadda wax cadaadis ah ku qabin inay iibiso Nusa, waxaana kooxda Jarmalka laga fahamsan yahay inay doonayso inuu ciyaaryahanku sii joogo ilaa ugu yaraan dhammaadka xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, dalab aan la iska diidi karin ayaa beddeli kara qorshaha kooxda.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Sky Sport Germany, Leipzig waxay diyaar u tahay inay dhegeysato oo keliya dalabyo aad u waaweyn oo ka yimaada kooxaha doonaya 21-jirka reer Norway, kaasoo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee mustaqbalka fog wax weyn ka qaban kara kubadda cagta Yurub.
Dhanka kale, Arsenal ayaa si dhow ula socota xaaladda Antonio Nusa, iyadoo kooxda reer London ay xiiseynayso inay xoojiso weerarkeeda ka hor suuqa kala iibsiga Janaayo. Sida uu qoray The Athletic, Gunners ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya xiddigan.
Inkasta oo u dhaqaaqistiisa Janaayo ay u muuqato mid adag, haddana suuqa xagaaga ee soo socda ayaa laga yaabaa inuu noqdo waqti ka duwan, iyadoo Leipzig ay markaas dib u qiimeyn karto mustaqbalka ciyaaryahankeeda haddii dalabyo waaweyn la keeno.