Macalinka xulka qaranka Spain, Luis de la Fuente, ayaa kalsooni weyn ka muujiyay mustaqbalka xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal, isaga oo aaminsan in isaga iyo Kylian Mbappé ay noqon doonaan labada ciyaaryahan ee hoggaamin doona kubadda cagta adduunka sannadaha soo socda.
De la Fuente ayaa hadalkan jeediyay xilli su’aalo laga weydiiyay cidda buuxin karta booska ay ka tageen labada halyeey ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, kuwaas oo muddo dheer ahaa wejiyada ugu waaweyn kubadda cagta caalamka.
Tababaraha Spain ayaa sheegay in Yamal iyo Mbappé ay awood u leeyihiin inay raad weyn ku yeeshaan taariikhda kubadda cagta, isaga oo sidoo kale xusay in ciyaaruhu u baahan yihiin dhowr xiddigood oo heer sare ah oo dhexdooda ka abuurma tartan caafimaad qaba.
Dhanka Lamine Yamal, De la Fuente ayaa si gaar ah u ammaanay bisaylka iyo maskaxda uu ku wajahayo cadaadiska warbaahinta, isaga oo tilmaamay inaysan sahlanayn in ciyaaryahan 19 jir ah uu muddo dheer la tacaalo dhaleeceyn iyo indhaha malaayiin taageerayaal ah.
Wuxuu kula taliyay Yamal inuu sii wato dadaalka, horumarka iyo shaqada adag, isla markaana uu iska ilaaliyo waxyaabaha bannaanka ka jira ee saameyn kara mustaqbalkiisa. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ciyaaryahanka da’da yar uu weli u baahan yahay garab istaag iyo hagid si uu u gaaro heerka ugu sarreeya.
De la Fuente ayaa ugu dambeyn aaminsan in haddii Yamal uu sidan ku sii socdo, uu fursad weyn u leeyahay inuu noqdo mid ka mid ah halyeeyada waaweyn ee taariikhda kubadda cagta, isaga oo laga yaabo inuu mustaqbalka gaaro heerkii ay soo bandhigeen Messi iyo Ronaldo.