Daaficii hore ee kooxda Barcelona, Jordi Alba, ayaa ka hadlay isbarbardhigga joogtada ah ee u dhexeeya Lionel Messi iyo da’yarka reer Spain ee Lamine Yamal, isaga oo qiray hibada iyo tayada kubadeed ee Yamal, balse si cad u sheegay in Messi uusan jirin ciyaaryahan la heer ah marka laga hadlayo taariikhda kubadda cagta.
Alba oo wareysi siinayay barnaamijka El Larguero ayaa sheegay in aysan wax lala yaabo ahayn in Lamine Yamal lala barbar dhigo Messi, maadaama uu leeyahay tayo iyo xirfad kubadeed oo heer sare ah.
“Waa wax caadi ah in Messi lala barbar dhigo wiil hibadan oo kale leh. Lamine weli waa 19 jir, balse waxa uu garoonka ka sameeyo iyo qaabka uu u ciyaaro ayaa ka dhigaya mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee aad jeclaan lahayd inaad daawato isaga oo kubadda ciyaaraya,” ayuu yiri Alba.
Si kastaba ha ahaatee, Alba ayaa ku adkeystay in Lionel Messi uu yahay ciyaaryahan aan cid kale lala simi karin, isaga oo xusay in waxqabadkiisa iyo dhaxalka uu ka tagay ay ka dhigayaan kan ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta.“Laakiin marka ay timaaddo Messi, ma jirto cid lala barbar dhigi karo. Isagu waa kan ugu wanaagsan taariikhda,” ayuu raaciyay.
Jordi Alba ayaa sidoo kale ammaanay tayada ciyaartoyda kale ee Barcelona, isaga oo si gaar ah u xusay Pedri, Gavi iyo Frenkie de Jong. Hadalladiisa ayaa mar kale muujinaya sida ay u weyn tahay hibada Lamine Yamal, balse sidoo kale ay u adag tahay in la gaadho heerka taariikheed ee Lionel Messi.