Xulka qaranka Soomaaliya ayaa caawa kulan adag la ciyaari doona dhiggiisa Ghana, kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee AFCON 2027. Labada xul ayaa ku jira Group-ka C, iyaga oo kulankan galaya kaddib markii ay labadooduba lumiyeen labadii kulan ee ugu horreeyay tartanka.
kulankaSoomaaliya iyo Ghana ayaa labaduba ku jira xaalad adag, waxaana ay si weyn ugu baahan yihiin guul ay dib ugu soo nooleeyaan rajadooda ku aaddan u soo bixitaanka wareegga xiga.
Xulka Soomaaliya ayaa labadii kulan ee uu ciyaaray laga dhaliyay afar gool, halka uu isaguna dhaliyay hal gool. Natiijooyinkaas ayaa dhigaya kaalinta saddexaad ee Group-ka C.
Dhanka kale, Ghana ayaa xaalad ka sii adag ku jirta, kaddib markii labadii kulan ee ay ciyaartay laga dhaliyay lix gool, halka ay iyaduna dhalisay laba gool, taas oo ka dhigtay xulka fadhiya kaalinta ugu dambaysa ee group-ka.
Kulanka caawa ayaa muhiimad gaar ah u leh labada dal, maadaama mid kasta uu doonayo inuu helo guushiisii ugu horreysay ee tartanka, isla markaana uu dib u soo nooleeyo rajadiisa u soo bixitaanka AFCON 2027.
Imtixaan adag oo sugaya Soomaaliya
Soomaaliya waxaa sugaya imtixaan adag, maadaama ay la ciyaarayso xul ka mid ah kuwa ugu magaca weyn qaaradda Afrika, isla markaana leh khibrad ballaaran oo ku aaddan tartamada heerkan ah.
Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka wanaagsan ee xulka Soomaaliya uu muujinayay kulamadii ugu dambeeyay ayaa rajo gelinaya taageerayaasha, kuwaas oo rajaynaya in xulkoodu caawa keeno natiijo wanaagsan.
Ghana oo garoonkeeda ku ciyaaraysa ayaa iyaduna doonaysa inay ka faa’iidaysato taageerada taageerayaasheeda, si ay u hesho saddexda dhibcood ee ugu horreeya uguna soo biirto tartanka loogu jiro hoggaanka Group-ka C, oo ay ku loollamayaan Côte d’Ivoire iyo Gambia.
Ugu dambeyn, Caawa ma aha oo keliya kulan saddex dhibcood lagu raadinayo, balse waa fursad ay labada xul dib ugu soo ceshan karaan rajadooda tartanka. Soomaaliya ma ka faa’iidaysan doontaa xaaladda adag ee Ghana, mise xulka martida loo yahay ayaa gurigiisa ku heli doona guushiisii ugu horreysay?
90-ka daqiiqo ee caawa ayaa jawaabta bixin doona.