Image ref 105416242. Copyright Shutterstock No reproduction without permission. See www.shutterstock.com/license for more information.
Tababaraha xulka qaranka Norway, Ståle Solbakken, ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyay milkiilaha Manchester United, Sir Jim Ratcliffe, kaddib qaabkii ay kooxda Old Trafford ula dhaqantay Michael Carrick oo laga qaaday xilka tababaranimo.
Solbakken, oo ah tababaraha xiddiga Manchester City Erling Haaland marka uu u ciyaarayo xulka Norway, ayaa ka hadlay xaaladdii Carrick, kaasoo maalintii laga ceyriyay xilkiisa weli yimid xarunta tababarka Carrington si uu shaqadiisa u sii wato.
Tababaraha Norway ayaa muujiyay sida uu ula yaabay hab-dhaqanka maamulka Manchester United, isagoo sheegay in sida Carrick loola dhaqmay ay wax badan ka muujineyso daacadnimada iyo xiriirka uu tababaruhu la leeyahay kooxdiisa.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Solbakken ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Sir Jim Ratcliffe iyo maamulka uu hoggaamiyo, wuxuuna yiri: “Haddii arrintaasi run tahay, markaas ma ahan qaladkii ugu horreeyay ee ay sameeyaan Ratcliffe iyo kooxdiisu.”
Hadalka Solbakken ayaa kusoo beegmaya xilli Manchester United ay go’aansatay inay soo afjarto wada shaqeyntii Michael Carrick, kaddib natiijooyin niyad-jab leh oo kooxda soo wajahday. Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in maamulka United uu wadahadallo la yeeshay Mauricio Pochettino si uu u noqdo beddelka Carrick.
Dhaleeceynta tababaraha Norway ayaa kusoo biireysa falcelinno kala duwan oo ka imaanaya dadkii hore ugu tirsanaa Manchester United, kuwaasoo su’aal geliyay habka maamulka kooxda uu ula dhaqmay tababaraha iyo sida loo maareeyay go’aanka laga gaaray mustaqbalkiisa.