Da’du Ma Joojiso Luka Modrić: 41 Jir Weli Wacdaro Dhigaya.

0
FB_IMG_1790481608178

Da’du uma muuqato inay waxba ka beddeshay tayada Luka Modrić. Xiddiga reer Croatia ayaa weli muujinaya heerkiisa sare, isaga oo 41 jir ah haddana door muuqda ka qaadanaya guulaha xulkiisa qaranka.

Luka Modrić ayaa mar kale muujiyay in hibada iyo khibraddu aysan da’ lahayn, kaddib markii uu gool muhiim ah u dhaliyay xulka Croatia kulankii ay guusha ka gaareen Czech Republic, oo ka tirsanaa UEFA Nations League.

Modrić, oo ka mid ah ciyaartoyda ugu guulaha badan taariikhda kubadda cagta, gaar ahaan tartanka UEFA Champions League, ayaa weli awood u leh inuu sameeyo bandhigyo heer sare ah inkastoo uu dhaafay 40 sano.

Xiddiga khadka dhexe ayaa hadda ka tirsan kooxda AC Milan, halkaas oo khibraddiisa iyo xirfaddiisa kubadeed ay ka dhigayaan ciyaaryahan muhiim u ah qorshaha kooxda tababbaareAmorim. Sidoo kale, Modrić wuxuu weli laf-dhabar u yahay xulka qaranka Croatia, isagoo ah hoggaamiye ay ciyaartoyda da’da yar ku daydaan.

Croatia ayaa sannadihii u dambeeyay si joogto ah uga mid ahayd xulalka awoodda leh ee kubadda cagta Yurub, waxaana Modrić uu weli yahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee jiilkaas.

Gabagabadii, 41 jirnimadu ma aysan joojin Modrić. Weli wuxuu ku ciyaarayaa khibraddiisa, farsamo barax la’ iyo hoggaamin hadaf leh, isaga oo caddaynaya in ciyaaryahan weyn uu figta sare sii joogi karo xitaa marka uu gaaro da’da afartameeyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *