Lewandowski oo jebiyay rikoodhkii Ronaldo! 38 jirka Poland oo taariikh ka dhigay Nations League
Robert Lewandowski ayaa taariikh cusub ka dhigay UEFA Nations League kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee hat-trick ka dhaliya tartanka, isagoo rikoodhkii hore ka qaaday Cristiano Ronaldo.
Lewandowski ayaa saddex gool ka dhaliyay kulankii Poland ay 6-0 kaga adkaatay Romania, isagoo markaas jiray 38 sano iyo 42 maalmood. Saddexdiisa gool ayaa yimid daqiiqadihii 24-aad, 47-aad iyo 86-aad, waxaana uu kulanka ku dhammeystay hat-trick.
Rikoodhkii hore waxaa haystay Cristiano Ronaldo, kaas oo 34 sano iyo 120 maalmood jir ahaa markii uu saddex gool ka dhaliyay Switzerland semi-finalkii Nations League ee 2019. Lewandowski ayaa sidaas kaga gudbay Ronaldo farqi weyn oo da’ ah.
Hat-trick-kan wuxuu sidoo kale ahaa kii toddobaad ee Lewandowski u dhaliyo xulka Poland, halka goolashiisa caalamiga ah ay gaareen 92. Kulanka Romania wuxuu ahaa ciyaartiisii 170-aad ee xulka Poland, taas oo sii muujinaysa heerka uu ka gaaray kubadda cagta caalamiga ah.
Lewandowski ayaa sidaas ku galay buugaagta taariikhda Nations League, isagoo Ronaldo ka qaaday rikoodh uu muddo haystay. 38 sano jir, haddana weli goolal iyo rikoorro cusub ayuu dhigayaa weeraryahanka reer Poland.