Indonesia oo 35 Sano Kadib U Dhow Koob Taariikhi ah

0
HT4cb2qW0AA8uD0

Xulka qaranka Indonesia ayaa wajahaya fursad dahabi ah oo uu ku soo afjari karo sugitaan dheer oo ku saabsan hanashada koob, iyadoo dalku muddo ku dhow 35 sano sugayay inuu mar kale arko xulkiisa oo gacanta ku haya koob.Markii ugu dambeysay ee Indonesia ay ku guuleysato koob ay qaaday xulka qaranka waxay ahayd 1991, markaas oo ay ku guuleysatay biladda dahabka kubadda cagta ee SEA Games.

Indonesia ayaa finalkii la ciyaartay Thailand, waxaana ciyaartu ku dhammaatay 0-0, ka hor inta aan Indonesia ay rigoorayaal ku xaqiijisan guusha.Tan iyo guushii 1991, Indonesia waxay soo martay waqti dheer oo ay raadinaysay inay mar kale gaarto heerkaas, iyadoo xulka uu sannadihii dambe sameeyay horumar muuqda, gaar ahaan dhanka tartamada gobolka iyo heerka qaaradda.

Hadda indhaha taageerayaasha Indonesia waxay ku jeedaan fursadda cusub ee horyaalla xulka. Haddii ay ku guuleystaan koobka, waxay noqon doontaa guul si weyn loo xusuusan doono, maadaama ay soo afjari doonto sugitaan dheer oo ka badan saddex sano iyo toban sano.

Guushan haddii ay timaaddo waxay sidoo kale noqon kartaa bog cusub oo laga qoro taariikhda kubadda cagta Indonesia, iyadoo jiilka cusub ee ciyaartoyda uu fursad u heli doono inuu dalkiisa u soo celiyo koob muddo dheer laga sugayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *