Messi oo la dhammeystay tababarkiisii ugu dambeeyay ee xulka Argentina ka hor sagootintiisa

0
HT5h-99WQAAwBHP

Lionel Messi ayaa la qaatay xulka Argentina tababarkii ugu dambeeyay ka hor kulanka ay caawa la ciyaarayaan Benin, iyadoo dhammaan indhaha ay ku jeedaan kabtanka Argentina iyo waxa noqon kara habeenkiisa ugu dambeeya ee uu xirto funaanadda xulka.

Messi ayaa tababarka ka qeyb qaatay isagoo si buuxda ugu diyaar garoobaya kulanka, kaasoo taageerayaasha Argentina ay muddo sugayeen. Kulankan ayaa loo arkaa fursad gaar ah oo lagu macsalaameynayo halyeeyga xulka, kaddib safar dheer oo uu kula soo maray Argentina.

Xiddiga Inter Miami ayaa xulka Argentina kula guuleystay Copa América iyo Koobka Adduunka 2022, waxaana kulanka caawa la filayaa inuu noqdo munaasabad xusuus gaar ah leh oo lagu maamuuso dhaxalkii uu ka tagay.

Argentina ayaa kulanka Benin ku ciyaari doonta garoonka Monumental, iyadoo taageerayaashu rajeynayaan inay markii ugu dambeysay garoonka ku arkaan Messi isagoo xiran funaanadda xulka. Habeenkan ayaa noqon kara mid ka mid ah waqtiyada ugu xusuusta badan taariikhda kubadda cagta Argentina.

Kulanka ayaa Soomaaliya ka bilaabanaya 2:00 habeenimo, waxaana malaayiin taageerayaal ah ay sugayaan inay daawadaan ciyaarta iyo sagootinta mid ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa taariikhda kubadda cagta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *