Ronaldo: “waxa aan messi u tarjumi jiray waxyaabaha laga hadlaayo ”
XifaCristiano Ronaldo ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Lionel Messi, oo muddo dheer loo arkayay xiddigga sida weyn ula xifaaltama, isaga oo caddeeyay in xiriirkoodu ahaa mid wanaagsan oo ku dhisnaa is-ixtiraam.
Ronaldo, oo ka hadlayay sida uu u wanaagsanaa xiriirkoodu muddadii ay ku loollamayeen heerka ugu sarreeya kubadda cagta adduunka, ayaa yiri:“Si wanaagsan ayuu iila dhaqmi jiray, aniguna sidoo kale. Waxaan muddo 15 sano ah ku loollamaynay masraxa ugu sarreeya kubadda cagta, waxaana naga dhexeeyay xiriir wanaagsan.”
Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale ku kaftamay inuu Messi u tarjumi jiray waxyaabaha laga hadlaayo, maadama Messi uusan si fiican ugu hadli jirin luqadda Ingiriisiga.
Ronaldo ayaa sheegay inuu mararka qaarkood Messi u tarjumi jiray waxyaabaha ay dadka kale ku hadlayaan, maadaama Messi uusan si fiican ugu hadli jirin luqadda Ingiriisiga.
“Waxaan xusuustaa inaan u tarjumi jiray waxyaabaha ay dadku ku hadlayaan. Runtii, aad bay u qosol badnayd,” ayuu yiri Ronaldo.
Xifaaltan kubadeed oo caafimaad qaba
Ronaldo ayaa sidoo kale sharraxay in xifaaltanka ka dhexeeyay uu ahaa mid bed-qaba, maadaama ay u ciyaarayeen kooxo kala duwan oo tartan adag ka dhexeeyo, isla markaana ay matalayeen laba xul qaran oo kala duwan.
“Isagu kooxdiisa ayuu difaacayay, aniguna tayda. Isagu xulkiisa ayuu difaacayay, aniguna xulkayga ayaan difaacayay. Laakiin loollankeenna wuxuu ahaa mid caafimaad qaba. Midba midka kale ayuu dhiirrigelin jiray, runtii,” ayuu yiri Cristiano Ronaldo.
Ugu dambeyntii, Labada halyey Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu waaweynaa ee kubadda cagta dunida soo martay labaatankii sano ee la soo dhaafay. Inkasta oo ay ku loollamayeen abaalmarinnada shaqsiga ah, koobabka kooxaha iyo guulaha xulalkooda, haddana labadooduba waxay door weyn ka qaateen kor u qaadista heerka kubadda cagta adduunka.Xifaaltankooda taariikhiga ah ayaa malaayiin taageerayaal ah u noqday il madadaalo iyo dhiirrigelin, halka hadallada Ronaldo ay mar kale muujinayaan in tartanka heerka sare ahi uu la jaanqaadi karo is-ixtiraam iyo xiriir wanaagsan.