Barcelona oo wada-hadallo heshiis kordhin la furtay Raphinha.
Kooxda Barcelona ayaa billawday wada-hadallo ku aaddan kordhinta qandaraaska kabtankeeda iyo xiddiga reer Brazil ee Raphinha, iyada oo kooxda reer Catalan ay doonayso in laacibka sii heysato muddo dheer.
Warar soo baxay intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa sheegayay in Barcelona ay diyaar u aheyd in ay dhegeysato dalabyada laga soo gudbinaayo Raphinha, iyada oo xiddiga reer Brazil uu xiiso badan ka helayay kooxo ka dheela horyaalka Sacuudiga. Si kastaba ha ahaatee, Rapha ayaa muujiyay in uu doonaayo sii joogista kooxda uu jecel yahay ee Barcelona.
Xiddigaan ayaa sidoo kale si heer sare ah ku billawday xilli ciyaareedkaan, isaga oo muujinaya qaab ciyaareed cajiib ah. Raphinha ayaa shantii kulan ee uu kooxda u dheelay xilli ciyaareedkaan billawga ah ku lug yeeshay 9 gool, isaga oo dhaliyay 8 gool sameeyayna 1 caawin.
Bandhigga wanaagsan ee uu Rapha ku billawday ayaa kooxda reer Catalan ku dhiira-geliyay in ay wada-xajoodyo la yeelato Raphinha iyo wakiiladiisa, kuwaas oo loogu kordhinaayo heshiiskiisa oo dhacaya xagaaga 2028.
Gebagabadii dadaalka iyo naf-hurka uu sameynaayo kabtanka kooxda, ayaa Barcelona ku riixaya in ilaashato laacibka waqti dheer.