Messi oo Taariikh Cusub Sameeyay

0
AP25089036620726-1743332818

Lionel Messi ayaa mar kale taariikh cusub ka sameeyay kubadda cagta, kaddib markii uu dhaliyey goolkiisii 100-aad ee Inter Miami, isagoo kooxdiisa ka caawiyey inay 2–0 kaga adkaato Cruz Azul finalka Campeones Cup. Goolkan ayaa Messi ku gaaray 100 gool isagoo Inter Miami u saftay 115 kulan.

Messi ayaa furay ciyaarta daqiiqaddii 24-aad, waxaana goolka uu ku dhaliyey madax kaddib kubbad uu soo qaaday Luis Suárez. Goolkan ayaa ahaa mid gaar ah, maadaama uu noqday kii 100-aad ee uu u dhaliyo kooxda tan iyo markii uu ku biiray Inter Miami sanadkii 2023.

Laakiin Messi kuma ekaan goolka uu dhaliyey. Daqiiqaddii 81-aad ayuu kubbad ka soo qaaday koorno, taas oo Casemiro madax ugu dhaliyey goolka labaad ee Inter Miami, waxaana kooxda reer Mareykan ay sidaas ku xaqiijisay guusha iyo koobka Campeones Cup.Guushan waxay Inter Miami siisay koob kale,

halka Messi uu sii kordhiyey tirada koobabka uu ku guuleystay intii uu ku jiray xirfaddiisa. Waxa kale oo habeenkan gaar ka dhigay in goolkiisii 100-aad ee Inter Miami uu yimid final, isaga oo si toos ah uga qayb qaatay labada gool ee kooxda.

Sidaas darteed, Messi ayaa xalay isku daray saddex dhacdo oo waaweyn: 100 gool oo uu u dhaliyey Inter Miami, gool final ah iyo koob cusub, taasoo noqotay bog kale oo lagu daray taariikhda xirfaddiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *