Mbappé: “Waxaan rajaynayaa inaan Ballon d’Or-kayga u hibeeyo Afrika”
Weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in haddii uu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or sannadkan uu guushiisa u hibeeyo qaaradda Afrika oo ah halka uu asal ahaan ka soo jeedo.
Kylian Mbappé, inkastoo uu ku dhashay kuna barbaaray Faransiiska, waxa uu xidhiidh dhalasho la leeyahay qaaradda Afrika.
Klyan aabbihii waa reer Cameroon, halka hooyadii ay asal ahaan ka soo jeeddo Algeria, taas oo sii xoojinaysa xiriirka uu la leeyahay qaaradda.
Mbappé oo sannadkan ka mid ah ciyaartoyda u sharaxan hanashada abaal-marinta Ballon d’Or, ayaa wareysi uu siiyay RFI ku sheegay inuu doonayo in guushaas uu la wadaago Afrika, haddii uu ku guuleysto abaal-marinta.
“Weligay ma lumin doono xiriirka aan la leeyahay Afrika iyo halka aan asal ahaan ka soo jeedo. Mar kasta oo aan Afrika tago, waxaan dareemaa jacaylka iyo soo dhoweynta ay dadku ii hayaan,” ayuu yiri Mbappé.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Waxaan rajaynayaa inaan halkaas geeyo abaal-marinta Ballon d’Or ama aan si uun ugu hibeeyo qaaradda Afrika. Runtii, waxay ahaan lahayd wax aad u qurux badan oo shaqsi ahaan qiimo weyn ii leh.”
Mbappé ayaa marar badan muujiyay sida uu ugu faano asal ahaan Afrika iyo xiriirka uu la leeyahay qaaradda. Haddii uu ku guuleysto Ballon d’Or-ka, u hibeyntiisa Afrika waxay noqon kartaa dhacdo si gaar ah loo xusuusto, iyadoo abaal-marinta markii ugu dambeysay qaaradda lagu arkay ay ahayd 1995, markaas oo George Weah uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ku guuleysta.
Ugu dambeynt, su’aashu waxay tahay: Mbappé ma ku guuleysan doonaa Ballon d’Or-ka sannadkan, mise riyadiisa ah inuu abaal-marinta u hibeeyo Afrika waxay dib u dhacaysaa waqti kale?