Ronaldo oo ka hadlay inuu sii wadi doono u ciyaarista xulka Portugal ama uu joojin doono
Cristiano Ronaldo ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa xulka qaranka Portugal, isagoo xaqiijiyay inuu go’aansaday inuu sii wato matalaadda dalkiisa, inkastoo uu qirtay inuu ka fikiray inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariisto kadib Koobkii Adduunka ee 2026.Xiddiga 41 jirka ah ayaa sheegay inuu wada-hadallo la yeeshay madaxda xiriirka kubadda cagta Portugal iyo tababaraha cusub ee xulka, Jorge Jesus.
Ronaldo wuxuu sheegay inuu weli aaminsan yahay inuu wax badan ka tari karo xulka, gaar ahaan inuu garoonka ka caawiyo inay guulo gaaraan.“Weli waxaan aaminsanahay inaan caawin karo xulka qaranka,” ayuu Ronaldo sheegay, isagoo xusay in go’aanka uu ciyaaraha caalamiga ah kaga fariisan doono uu imaan doono marka uu dareemo inuusan wax badan ku biirin karin kooxda.
Ronaldo ayaa sidoo kale sheegay in jiilka cusub ee ciyaartoyda Portugal uu ka mid yahay sababaha uu u doonayo inuu sii joogo. Wuxuu doonayaa inuu khibraddiisa la wadaago ciyaartoyda da’da yar, isagoo sidoo kale bartilmaameedsanaya inuu gaaro 1,000 gool oo xirfaddiisa ah.
Inkasta oo uu xaqiijiyay in Koobkii Adduunka 2026 uu ahaa kii ugu dambeeyay ee uu ka qeyb galo, Ronaldo weli ma uusan cayimin taariikh uu si rasmi ah uga fariisanayo xulka Portugal. Hadda wuxuu diyaar u yahay inuu xulka la sii ciyaaro, iyadoo Portugal ay maanta la ciyaareyso Wales.