” hadda Ma nihin xul laga heybadeysto ee waxa aan nahay xul dhexdhexaad ah”
Bastian Schweinsteiger ayaa dhaliil adag u jeediyay xulka qaranka Germany, isaga oo sheegay in xulkiisu maanta aysan lahayn haybaddii iyo awooddii ay caalamka kaga caan baxday.
Hadalka halyeeygii hore ee Bayern Munich iyo Germany ayaa yimid xilli Jarmalku helayo natiijooyin aan qurux badneyn iyo su’aalo badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa.
Jarmalka ayaa hoos u dhac muuqda la kulmay tan iyo markii ay ku guuleysatay Koobka Adduunka 2014, iyadoo tan iyo xilligaas ay tartamo waaweyn kala duwan ka sameysay natiijooyin aan la aan waafaqsaneyn sumcaddii iyo taariikhdii xulka Jarmalka.
Schweinsteiger oo ka hadlay xaaladda xulka ayaa yiri:“Hadda ma arko xul heer sare ah oo laga baqo, balse waxaan arkaa xul meel dhexe ah.”
Dhaliisha Schweinsteiger ayaa timid kaddib natiijooyin aan qancin oo Germany ay soo bandhigtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin barbaro ay la gashay Netherlands iyo guuldarro ay kala kulantay Greece kulama ka tirsan Uefa Nations League oo hadda socda.
Xulka Germany ayaa sidoo kale wajahaya cadaadis dheeraad ah kadib markii uu Koobka Adduunka 2026 ku haray wareegga 32-ka, kadib guuldarro lama filaan ah oo uu kala kulmay Paraguay.
Hadalka Schweinsteiger ayaa toosh ku ifiyay hoos u dhaca Germany iyo sababta xulkii mar loo aqoonsanaa quwadda kubadda cagta Yurub iyo adduunkuba uu ugu adkaaday inuu dib u helo joogteyntii iyo haybaddii uu lahaa. Germany ayaa hadda wajahaysa baahi weyn oo ah inay dib u dhisto kalsoonida taageerayaasheeda iyo sumcaddii ay muddo dheer ku lahayd kubadda cagta caalamka.