Zidane oo amaan weyn u jeediyay Olise

0
FB_IMG_1790679027699

Zinedine Zidane ayaa amaan weyn u jeediyay Michael Olise kaddib bandhiggii uu ka sameeyay kulankii France ay 1–0 kaga adkaatay Belgium ee Nations League. Olise ayaa dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 88-aad, isagoo sameeyay orod iyo dhammeystir qurux badan.

Xiddiga Bayern Munich ayaa ciyaarta kusoo galay qeybtii dambe, balse wuxuu waqti kooban gudaheed sameeyay farqiga u dhexeeyay labada xul. Goolkiisa ayaa France siisay saddex dhibcood oo muhiim ah, iyadoo Zidane uu si weyn ugu dabaaldegay garoonka dhiniciisa.

Zidane ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada Olise iyo sida uu ciyaarta u fahmo. Tababaraha France wuxuu tilmaamay in ciyaaryahanku leeyahay karti dabiici ah, isla markaana uu garanayo waqtiga uu weerarka qaadayo iyo waqtiga uu ciyaarta dejinayo.

Olise ayaa labadii kulan ee ugu horreeyay ee Zidane uu hoggaamiyo France door muuqda ku lahaa, isagoo kulankii hore caawiyay gool, halka kulankii Belgium uu noqday ciyaaryahankii go’aamiyay natiijada.

Guusha Belgium waxay France siisay lix dhibcood labadii kulan ee Nations League, waxaana Olise uu mar kale muujiyay sababta loogu tixgeliyo mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka u noqon kara qorshaha Zidane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *