Waajibaadka Qaranka oo nabar Ku Noqday Kooxo Waaweyn: Xiddigo Badan oo Dhaawacyo La Soo Laabtay
Ciyaartoyda caalamka ayaa gudanaya waajibaadkooda qaran, iyagoo u kala safan xulalkooda tartamo iyo kulamo saaxiibtinimo oo ka dhacaya daafaha dunida. Hase yeeshee, kulamadan ayaa walaac weyn ku beeray kooxaha waaweyn ee ay ciyaartoydani ka tirsan yihiin, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waayaan xiddigo muhiim u ah safafkooda sababo la xiriira dhaawacyo.
Iyadoo la soo gabagabeeyey kulamadii labaad ee xulalka, dhowr ciyaaryahan oo door muhiim ah ku leh kooxahooda ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen, taasoo durba dhalisay walaac ku saabsan xaaladdooda caafimaad iyo muddada ay garoomada ka maqnaan karaan.
Mbappé oo dhaawac soo gaaray
Xiddiga Kylian Mbappé ayaa dhaawac soo gaaray intii uu xulkiisa Faransiiska kula ciyaarayay Türkiye. Weeraryahanka Real Madrid ayaa ah mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan kooxdiisa, waxaana dhaawac kasta oo soo gaara uu saameyn ku yeelan karaa awoodda weerarka ee kooxda.
Mbappé ayaa dib ugu laabtay Madrid si loogu sameeyo baaritaanno dheeraad ah, iyadoo wararkii hore ay tilmaamayaan in dhaawaciisu uusan ahayn mid aad u daran. Si kastaba, kooxda ayaa weli sugaysa natiijooyinka baaritaannada si loo ogaado muddada uu maqnaan doono.
Raphinha oo dhaawac looga saaray kulankii Brazil
Dhanka kale, kabtanka Barcelona, Raphinha, ayaa dhaawac soo gaaray intii uu xulkiisa Brazil la ciyaarayay Australia kulan saaxiibtinimo.
Raphinha ayaa garoonka laga saaray kadib markii uu dareemay xanuun dhanka muruqa ah. Ilaa hadda lama shaacin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca, waxaana la sugayaa qiimeyn caafimaad oo faahfaahsan.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa door muhiim ah ku leh Barcelona, waxaana uu xilli ciyaareedkan kooxda u dhaliyay 14 gool siddeed kulan gudahood, taasoo muujinaysa muhiimadda uu u leeyahay safka kooxda.
Odegaard iyo Havertz oo Arsenal walaac geliyey
Kabtanka Arsenal, Martin Ødegaard, ayaa sidoo kale dhaawac soo gaaray intii uu xulkiisa Norway la ciyaarayay Portugal. Ødegaard ayaa xilli ciyaareedkan door weyn ka qaatay qorshaha Arsenal, waxaana bandhiggiisii kulamadii hore uu ahaa mid si weyn looga dareemay safka kooxda.
Arsenal ayaa hadda sugaysa xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa iyo muddada uu garoomada ka maqnaan karo.
Dhanka kale, Kai Havertz ayaa isna ka mid ah ciyaartoyda dhaawacu saameeyey, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo ku dhow afar toddobaad.
Liverpool oo iyaduna walaac ka qabta Isak iyo Gakpo
Liverpool ayaa sidoo kale wajahaysa walaac caafimaad kadib dhaawacyo soo gaaray weeraryahannadeeda Alexander Isak iyo Cody Gakpo.
Labada ciyaaryahan ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo fudud, waxaana ay ka soo laabteen xerada tababarka xulalkooda. Si kastaba, warbixin rasmi ah oo cad oo ku saabsan xaaladdooda iyo muddada ay maqnaan karaan weli lama soo saarin.
Xiddigo kale uu dhaawacyo kala duwan soo gaareen
Sidoo kale, Jamal Musiala, Eric García, Brian Brobbey iyo Dan Ballard ayaa dhammaantood soo gaareen dhaawacyo kala duwan intii ay gudanayeen waajibaadkooda qaran.
Gabagabadii, Dhaawacyada soo gaaraya xiddigaha inta lagu guda jiro fasaxa xulalka ayaa mar kale muujinaya khatarta ay kooxaha waaweyn wajahayaan marka ciyaartoydooda ay u safraan waajibaadka qaranka.
Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Arsenal iyo Liverpool ayaa hadda si dhow ula socda xaaladda xiddigahooda, iyadoo natiijooyinka baaritaannada caafimaad ay go’aamin doonaan inta ay garoomada ka maqnaan doonaan.Inta badan kooxaha ayaa rajaynaya in dhaawacyadu aysan noqon kuwo muddo dheer xiddigahooda ka maqnaansho ku keena, xilli ciyaareedkuna uu galay marxalad ay kulan kasta muhiimad gaar ah leeyahay.