” Waxa uu u qalmaa Ballon d’Or ka badan laacib kasta oo u tartamaya” Cazorla.

0
Santi-Cazorla-1000x600

Halyeeygii hore ee Arsenal iyo Villarreal, Santi Cazorla, ayaa si cad u sheegay in da’yarka Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, uu yahay ciyaaryahanka uu isagu siin lahaa abaalmarinta Ballon d’Or, kadib bandhigii cajiibka ahaa ee uu sameeyay sannadkii hore, heer kooxeed iyo mid xulba.

Cazorla oo wareysi siiyay warbaahinta SPORT ayaa ku adkeystay in waxqabadka Yamal uu muujiyay inuu mudan yahay abaalmarinta shaqsiga ugu sarreysa kubadda cagta adduunka.

“Anigu Ballon d’Or-ka waxaan siin lahaa Lamine Yamal, kadib wixii uu sameeyay sannadkii hore, xul iyo kooxba. Isagu waa Isbaanish, taasina waa arrin gaar ah. Runtii, wuu u qalmaa abaalmarinta,” ayuu yiri Cazorla.

Yamal ayaa ka mid ah ciyaartoyda sida weyn loogu saadaalinayo inay ku guuleystaan Ballon d’Or-ka, iyadoo bandhigyadiisa Barcelona iyo xulka Spain ay si weyn u soo jiiteen indhaha caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, tartanka ayaa la filayaa inuu noqdo mid adag, waxaana uu Yamal loollan kala kulmi doona xiddigo waaweyn oo ay ka mid yihiin Kylian Mbappé oo ka tirsan Real Madrid iyo Harry Kane oo hoggaamiya weerarka Bayern Munich. Sidoo kale, Ousmane Dembélé oo PSG u sameeyay bandhigyo muhiim ah ayaa ka mid ah ciyaartoyda fursadda weyn loo arko.

Hadalka Cazorla wuxuu muujinayaa sida uu Lamine Yamal uga dhex muuqday jiilka cusub ee xiddigaha kubadda cagta. Da’diisa oo yar, bandhiggiisa heerka caalami iyo saameynta uu ku leeyahay Barcelona ayaa ka dhigay mid ka mid ah musharraxiinta ugu waaweyn ee Ballon d’Or-ka, inkastoo uu wajahayo tartan adag oo ka imaanaya xiddigo magac weyn ku leh kubadda cagta Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *