Liverpool iyo Real Madrid oo ku dagaallamaya saxiixa Michael Olise

0
FB_IMG_1791375048917

Liverpool iyo Real Madrid ayaa isku haysta xiddiga reer France ee Michael Olise, kaas oo xilli ciyaareedkan si weyn u soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Yurub. Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Bayern Munich ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu hadal-haynta badan suuqa kala iibsiga, kaddib markii uu qaab ciyaareed heer sare ah kusoo bandhigay kooxdiisa iyo xulka France.

Liverpool ayaa si dhow ula socota xaaladda Olise, iyadoo wararku sheegayaan in kooxda Ingiriiska ay u aragto 24-jirkan ciyaaryahan awood u leh inuu wax weyn kusoo kordhiyo weerarkeeda. Olise ayaa bilowga xilli ciyaareedkan Bayern u dhaliyay 8 gool, wuxuuna sameeyay 4 caawin 7 kulan, taasoo muujinaysa saameynta uu ku leeyahay weerarka kooxda.

Dhanka kale, Real Madrid ayaa muddo xiisaynaysay Olise, waxaana warar laga helay Spain ay sheegayaan in ciyaaryahanku mustaqbalka doorbidi karo inuu u dhaqaaqo Madrid. Si kastaba, Real Madrid ayaa bishii June si rasmi ah u sheegtay inaysan waqtigaas wax xiriir toos ah ama dadban la sameyn Olise, wakiilladiisa ama dadka ku dhow.

Olise ayaa hadda Bayern Munich muhiimad weyn ugu leh, waxaana kooxda Jarmalku horey u muujisay inaysan si fudud ku oggolaan doonin bixitaankiisa. Wararka cusub ayaa sidoo kale sheegaya in Bayern aysan diyaar u ahayn inay dhageysato dalab ka hooseeya €200 milyan, taasoo ka dhigaysa heshiiskiisa mid aad u adag.

Xiddiga reer France ayaa sidoo kale xulka qarankiisa ku sameeyay bandhig cajiib ah. Afartii kulan ee ugu horreysay ee Zinedine Zidane uu hoggaamiyo France, Olise wuxuu ku lug yeeshay 6 gool — 4 uu dhaliyay iyo 2 uu caawiyay, isagoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan xulka.

Sidaas darteed, dagaalka Liverpool iyo Real Madrid ee Olise wuxuu noqon karaa mid ka mid ah sheekooyinka ugu waaweyn suuqa kala iibsiga ee mustaqbalka. Bayern ayaa doonaysa inay sii haysato xiddigeeda, halka kooxaha waaweyn ay sugayaan fursad ay ku heli karaan ciyaaryahanka ay hadda qiimihiisu cirka isku shareeray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *