Casaankii Ryan Gravenberch oo dhaliyay dood weyn: Garsooraha oo lagu eedeeyay go’aan degdeg ah
Casaankii Ryan Gravenberch ayaa noqday mawduuca ugu weyn ee ay maanta ka doodayaan warbaahinta Ingiriiska iyo tan caalamka, kadib markii xiddiga Liverpool garoonka laga saaray ciyaartii ay la yeesheen Manchester City. Go’aanka garsooraha ayaa dhaliyay dood xooggan, iyadoo falanqeeyayaal badan iyo ciyaartoy hore oo Premier League ah ay su’aal geliyeen saxnaantiisa.
Gravenberch ayaa kaarka labaad ee digniinta loo taagay kadib qalad uu ku galay Jeremy Doku, taasoo keentay in garoonka laga saaro. Inkasta oo uu hore u qabay kaar digniin ah, haddana dad badan ayaa aaminsan in qaladkii labaad uusan ahayn mid u qalma in ciyaaryahanka laga saaro ciyaarta.
Warbaahinta Ingiriiska iyo tan caalamka ayaa siyaabo kala duwan u falanqaynaya dhacdadan, iyadoo dooddu inta badan ku saabsan tahay in garsooruhu ku degdegay go’aanka iyo in qaladku ahaa mid mudan kaarka.
Peter Schmeichel ayaa sheegay in Gravenberch uu hore u qabay kaar digniin ah, balse uu u arkayay in kaarka labaad ee sida fudud loo bixiyay uu ahaa go’aan khaldan.
Dhankiisa, Fredrik Ljungberg ayaa xusay in Gravenberch uu qalad galay, hase yeeshee uusan ahayn qalad culus oo mudan kaarka labaad ee digniinta.
Jamie Carragher, Micah Richards iyo Daniel Sturridge ayaa iyaguna aragtidooda ka dhiibtay dhacdada, iyagoo iyagoo ku dooday in garsooruhu ku degdegay go’aanka, kaasoo si lama filaan ah ciyaarta u beddelay.
Kaarka cas ee Gravenberch ayaa Liverpool geliyay xaalad adag, iyadoo Manchester City ay ka faa’iidaysatay tirada ciyaartoyda oo u badatay dhinaceeda, ugu dambaynna guul 3-0 ah ka gaartay kooxda Merseyside.
Casaanka Gravenberch ayaa dib u huriyay doodda ku saabsan heerka ay tahay in qalad lagu bixiyo kaarka labaad ee digniinta. Halka qaar ay difaacayaan go’aanka garsooraha, kuwo kale waxay aaminsan yihiin in go’aankaasi ahaa mid degdeg ah oo saameyn weyn ku yeeshay ciyaarta iyo natiijada Liverpool.