Antonio Conte ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaar u yahay inuu qabto shaqada tababarenimo ee Manchester United, xilli cadaadiska saaran macallinka haatan kooxda hoggaamiya ee Michael Carrick uu sii kordhayo.
Sida ay maanta baahisay warbaahinta talkSPORT, wakiillada Conte ayaa la xiriiray Manchester United, iyagoo muujiyay inuu diyaar u yahay inuu kooxda la wareego haddii go’aan laga gaaro mustaqbalka Carrick. Conte ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto Premier League, halka Manchester United ay raadineyso sidii ay uga soo kaban lahayd bilowga adag ee xilli ciyaareedkan. �TalkSport
Manchester United ayaa la kulantay natiijooyin niyad-jab leh, waxaana cadaadiska sii kordhiyay guuldarradii 2-0 ahayd ee ay kala kulmeen Atlético Madrid tartanka Champions League. Kooxda ayaa sidoo kale ku dhibtoonaysa horyaalka Premier League, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan awoodda ay u leedahay inay dib ugu tartanto boosaska sare.
Conte waa tababare khibrad weyn leh, kaasoo Chelsea kula guuleystay Premier League xilli ciyaareedkii 2016/17, halka uu Juventus, Inter Milan iyo Napoli kula soo guuleystay horyaallada Talyaaniga. Khibraddiisa iyo awooddiisa uu kooxaha ugu dhiso nidaam adag ayaa ka dhigaya magac ay taageerayaasha Manchester United xiiseyn karaan.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro heshiis rasmi ah oo lagu xaqiijiyay inuu Conte noqonayo tababaraha cusub ee Manchester United. Mustaqbalkiisa kooxda ayaa ku xiran go’aanka maamulka, halka Carrick uu fursad u haysto inuu natiijooyin wanaagsan ku yareeyo cadaadiska saaran.