Kylian mbappe: 100 kulan oo Champions League ah iyo waxqabad cajiib ah
Kylian Mbappé ayaa gaaray taariikh cusub oo Champions League-ga ah, isaga oo 100 kulan oo tartanka ah ku dhaliyay 72 gool.
Xiddiga Real Madrid ayaa tiradaas goolasha ah kaga sarreeya Cristiano Ronaldo oo 66 gool dhaliyay 100-kiisii kulan ee ugu horreeyay, halka Lionel Messi uu ka dhaliyay 77 gool.
Mbappé ayaa kulankiisii 100-aad ee Champions League-ga u dabaaldegay kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Roma habeenkii xalay, isaga oo sii xoojinaya muujinta in uu yahay mid ka mid ah weeraryahannada ugu halista badan kubadda cagta adduunka.
Sidoo kale, xiddiga reer Faransiis ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaara 100 kulan oo Champions League ah, isaga oo markaas jira 27 sano, kana da’ yarayd da’dii ay Messi iyo Ronaldo ku gaareen heerkan.
Goolkiisii ugu horreeyay ee tartankan ayuu Mbappé dhaliyay xilli ciyaareedkii 2016/17, markii kooxdiisii AS Monaco ay Manchester City kaga adkaatay 5-3 kulan ka tirsanaa wareegga 16-ka. Tan iyo markaas, waxa uu goolal ka dhaliyay tartanka isaga oo u ciyaaray Monaco, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid.
Rikoodhada Messi iyo Ronaldo ma la jebin karaa?
Mbappé ayaa leh fursad uu mustaqbalka kula tartami karo labada halyey ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, maadaama uu da’ ahaan weli yar yahay, isla markaana uu leeyahay awood gool-dhalineed oo heer sare ah.
Ronaldo ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Champions League-ga isaga oo leh 140 gool, halka Messi uu ku jiro kaalinta labaad isaga oo dhaliyay 129 gool. Mbappé ayaa hadda leh 72 gool, waxaana horyaalla safar dheer haddii uu doonayo inuu dhaafo labadan halyey.
Hase yeeshee, hal koob ayaa weli ka maqan himiladiisa weyn.
Kylian ayaa weli baadi goobaya hanashada koobka Champions League-ga, igsa oo aan illaa hadda xareysan billada dahabiga ah ee dhega weynaha Yurub.
Mbappé ayaa mar ku dhowaaday inuu ku guuleysto Champions League-ga sannadkii 2020, markaas oo Paris Saint-Germain ay finalka kaga guuldarraysatay Bayern Munich oo 1-0 ku badisay.
Sannadkii 2024 ayuu ku biiray Real Madrid, maalmo kadib markii kooxda reer Spain ay ku guuleysatay koobkeedii 15-aad ee Champions League-ga, isaga oo rajaynayay inuu kooxdaas kula guuleysto koobka ugu qiimaha badan Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda kuma guuleysan inuu Real Madrid la gaaro guul kama dambays ah oo tartanka ah, halka PSG ay ku guuleysatay Champions League-ga intii uu Mbappé ka maqnaa.
Mbappé waxa uu durba ku biiray taariikhda gooldhaliyeyaasha Champions League-ga ugu goolasha badan, balse dhaxalkiisa dhabta ah waxa go’aamin kara inuu rikoodhada Messi iyo Ronaldo jebiyo iyo inuu ugu dambayn qaado koobka uu muddada dheer raadinayay.