Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa xaqiijiyay in Raphinha iyo Frenkie de Jong ay dib ugu soo laabteen tababarka buuxa ee kooxda, iyaga oo diyaar u ah inay qayb ka noqdaan safka kulamada adag ee soo socda.

Flick ayaa sheegay in labada laacib ay ka mid noqon doonaan ciyaartoyda Barcelona ee u safri doona kulanka Real Betis ee Sabtida, inkasta oo xaaladdooda ciyaareed ay kala duwan tahay.

Raphinha ayaa si buuxda uga soo kabtay dhaawacii uu qabay, waxaana la filayaa inuu kulanka Real Betis ka helo daqiiqado kooban oo ciyaareed.

Tababaraha reer Jarmal ayaa doonaya inuu si taxaddar leh u maareeyo soo laabashada xiddiga reer Brazil, maadaama Barcelona ay sugayaan kulamo kale oo muhiim ah, isla markaana uu door weyn ku leeyahay weerarka kooxda.

Dhanka kale, Frenkie de Jong ayaa isaguna dib ugu soo laabtay tababarka buuxa kadib muddo uu dhaawac kaga maqnaa garoomada. Soo laabashadiisa ayaa Barcelona siinaysa fursad dheeraad ah oo ay ku xoojiso khadka dhexe, isaga oo diyaar u noqon kara kulamada soo socda.

Barcelona ayaa wajahaysa jadwal adag oo ay ku jiraan kulanka Real Betis, safarka ay ugu tegi doonto Paris si ay ula ciyaarto Paris Saint-Germain tartanka Champions League, iyo kulanka El Clásico ee ay toddobaadka dambe la yeelan doonto Real Madrid.

Saddexdan kulan ayaa noqonaya imtixaan muhiim ah oo lagu qiimeyn doono awoodda Barcelona, gaar ahaan weerarkeeda oo kulamadii ugu dambeeyay muujiyay awood gool dhalineed oo cajiib ah.

Soo laabashada Raphinha iyo Frenkie de Jong ayaa war wanaagsan u ah Hansi Flick xilli ay Barcelona wajahayo kulamo go’aamin kara jihada xilli ciyaareedkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, indhaha taageerayaasha ayaa si gaar ah ugu jeeda sida ay labada xiddig uga qayb qaadan doonaan kulamada waaweyn ee soo socda. Barcelona ayaa weli waxaa ka maqan Andreas Christensen iyo Roony Bardghji, kuwaas oo dhaawacyo kaga maqnaanaya kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *