Messi oo iibsanaya koox ka ciyaarta heerka labaad ee Spain
Lionel Messi oo qaaday tilaabo cusub oo dhinaca ganacsiga kubbada cagta ah, kadib markii la xaqiijiyay inuu heshiis hordhac ah lagaaray kooxda reer Spain ee CD Eldense,oo kaciyaarta heerka labaad ee Spain.
Xiddiga reer Argentina ee haatan u ciyaara Inter Miami ayaa ku dhaw inuu iibsado 100% saamiyada kooxda Eldense, iyadoo heshiiska uu walli sugaayo dhammeystirka habraacyada sharciga iyo oggolaanshaha hay’adaha ay khuseyso ee Spain.
Tani manoqoneyso markii ugu horreysay ee Messi koox kubadeed yeesho. Bishii abril ee sanadkaan ayuu noqday milkiilaha kooxda UE Cornellà, ee ka ciyaarta heerka shanaad ee Spain. Sidoo kale Messi wuxuu saammiyo ku leeyahay kooxda Deportivo LSM ee dalka Uruguay, waxaana jira qorshe uu mustaqbalka saamiyo uga heli karo kooxda uu haatan u ciyaaro ee Inter Miami.
Tallaabadan ayaa muujineysa in Messi uu si tartiib ah ugu sii jeesanayo dhinaca milkiilaha iyo ganacsadaha kooxaha kubadda cagta, iyadoo uu walli yahay ciyaaryahan .
waxaa intaas dheer, heerka labaad ee Spain waxaa kaciyaarta koox uu xiriir laleeyahay Cristiano Ronaldo, tasoo dib usoo nooleyn karta tartankii udhexeyay labada xidig ee waaweyn ee Messi iyo Cristiano Ronaldo, markaan onan ahayn garoonka dhaxdiisa oo keliya, Balse dhinaca lahaansha kooxaha.