Leo Messi oo dhigay Rikoor waalli ah- 1,300 goolal iyo caawin.

0
FB_IMG_1789038670585

Lionel Messi ayaa mar kale taariikh cusub ka dhigay kubadda cagta isaga oo noqday ciyaariyahankii ugu horreeyay ee abid gaaray 1,300 ku-lug-lahaansho goolal ah ( goolal iyo caawin).

Mucjisada kubbada cagta ee reer Argentina ayaa sii wada jebinta iyo dhigista rikoorro cusub oo ay adag tahay in isaga dabadii la gaaraa.

Messi ayaa xalay caawiye ka noqday goolka ay kooxdiisa Inter Miami ku heshay barbaraha kulankii ay la dheeshay kooxda uu hor boodo laacibkii hore ee Barcelona Robert lewandowski ee Chicago Fire, caawintaas oo Messi ku gaaray 1,300 oo goolal iyo caawin ah waayihiisa kubadda cagta.

Messi ayaa sidoo kale sii adkeysanaya booskiisa kan ugu caawinta badan taariikhda kubadda cagta, isaga oo haatan leh 423 caawin, halka uu sidoo kale yahay goola dhaliya labaad ee kubadda cagta isaga oo heysta 927 gool. Taas oo Messi ka dhigaysa in uu wadar ahaan ku lug leeyahay 1,300 goolal ah( dhalin iyo caawin), isaga oo rikoorkaas ku gaaray 1123 kulan oo uu dheelay waayihiisa heer qaran iyo heer kooxeedba.

Messi, oo hadda 39 jir ah, ayaa sii wada in uu dhigo rikoorro aan caadi ahayn, kuwaas oo jiilka soo socda uga baahan karti iyo joogteyn heer sare ah muddo aad u dheer si ay u jebiyaan rikoorrada u yaala laacibkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *