1036 maalin kadib manchester United ayaa caawa ciyaaraysa Champions League
Kooxda reer England ee lagu naaneeso red-devils,Manchester United ayaa muddo dheer kadib kusoo lawaatay tartanka Uefa Champions league. Manchester United ayaa caawa ciyaareysa kulan keedii ugu horreeyay ee Champions League-ga, iyada oo garoonkeeda ku martigelin doonta Fc Sabah,oo markii ugu horreysay kasoo qeyb gashay tartanka.
Manchester United, oo uu hogaaminayo Michael Carrick, ayaa muddo dheer kamaqneyd tartanka Champions League-ga tan iyo sanadkii 2023. Kulankii ugu danbeeyay ee tartanka Champions League-ga ayey guul darro kala kulantay kooxda Fc Copenhagen.
Hadda Red Devils ayaa dib ugu soo lawaatay masraxa ugu weyn ee kooxaha Yurub. Su’aashu waxa ay tahay: wiilasha uu hogaaminayo Michael Carrick ma ku guuleysan karaan sanadkan tartanka dhegaha weyn ee Uefa Champions League?.