Uefa oo soo saartay shaxda iyo ciyaariyahanka ugu fiicnaa toddobaadkaan Champions League-ga.

0
FB_IMG_1789145516547

Kadib ciyaarihii xiisaha badnaa ee toddobaadkaan laga ciyaaray tartanka Champions league-ga, UEFA, ayaa soo saartay shaxda iyo laacibka ugu wanaagsan ciyaarihii kowaad ee heerka guruubyada, iyada oo xiddigo dhawr ah ay sameeyeen bandhigyo indho-qabad ah.

11-ka laacib ee la soo saaray ayaa waxaa goosha ugu jira joog dheeraha waardiyeeya shabaqa Real Madrid, Thibaut Courtios, kaas oo kulankii kooxdiisu guusha adag ka heshay kooxda Inter Milan sameeyay 8 badbaadin oo muhiim ah, kuwaas oo door weyn ka qaatay in Cad-cadku helaan seddaxda dhibcood.

Daafaca dhexe waxa loo doortay labada difaac ee xulka Spain, Marc Batra, kaas oo Betis u dhaliyay laba gool guushii soo laabashada laheyd ee kooxdiisu ka gaartay kooxda Lille iyo Pau Torres oo ka tirsan Aston Villa,oo isaguna sameeyay laba caawin guushii kooxdiisu gaartay ciyaartii furitaanka tartanka.

Garbaha difaaca ayaa loo doortay Archie Brown iyo Sergino Dest, kuwaas oo labadooduba goolal u dhaliyay kooxahooda barbarahii ay la kala galeen Roma iyo Shakhtar Donetsk.

Qadka dhexe waxaa loo xushay Martin Odegaard, kaas oo dhaliyay goolka madiga ah ee kooxdiisu Arsenal dhibcaha kaga qaatay Napoli, iyada oo lagu laray Martin Baturina, oo asna bandhig heer sare ah ka sameeyay kulankii ay kooxdiisu la dheeshay RB Leipzig.

weerarka ayaa loo doortay in ay metelaan Ferran Torres iyo Ermedin Demirovic, oo midkiiba seddax gool u dhaliyay kooxdiisa, waxaana lagu lammaaniyay M.Olise iyo Raphinha oo iyaguna kooxahooda bandhig fiican u sameeyay, dhaliyayna midkiiba laba gool.

Dhammaan ciyaartoydaan ayaa sameeyay bandhigyo waafi ah oo raalli-gelinaya taageerayasha kooxahooda, iyada oo UEFA, ciyaariyahanka toddobaadka u aqoonsatay Ferran Torres oo PSG dhawaan ku biiray, kulankiisii ugu horreeyay ee uu tartankaan kooxdaas u dheelayna u dhaliyay seddaxley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *