Natiijooyinka caawa ee Champions League-ga: Man.united iyo Bayern oo xasuuq sameeyay!
Kooxaha waaweyn ee caawa dheelay tartanka Champions league-ga ayaa sameeyay bandhigyo heer sare ah, iyada oo Manchester United iyo Bayern Munich ay heleen guulo waaweyn, halka ay barbaro gashay kooxda Roma.
Manchester United 4-0 Sabah Fc
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford cashar ugu dhigtay kooxda cusub ee Sabah kadib markii ay ku xasuuqday 4-0
Red Devils ayaa goolasha ka heshay Matheus Cunha, Bruno Fernandes, Benjamin Sesko iyo Lizandro Martinez, kuwaas oo dhaliyay min hal gool. United ayaa muujisay awooddeeda iyada oo taageerayashadeeda iyo mucaaradkaba u dirtay farriin cad oo ku saabsan hammigeeda xilli ciyaareedkaan ee tartanka Champions league-ga.
Bayern Munich 5-0 Bodø/Glimt
Kooxda Bayern munchen ayaa iyaduna sameysay bandhig cajiib ah iyada oo 5-0 ku xaaqday kooxda reer Norway ee Bodø/Glimt.
Kooxda Bavaria ayaa shanta gool wada dhalisay qeybtii labaad ee cayaarta, iyada oo goolasha ka heshay xiddigaheeda Michael Olise oo dhaliyay laba gool, halka Harry kane, Jamal Musiala iyo Alphonso Devies ay raacsadren min hal gool.
Bayern oo sannadihii dambe aad u halis badneed ayaa caawa sii caddeysay in ay sannadkaan mar kale ka mid yihiin murashaxiinta u taagan hanashada dhega-weynaha Champions League-ga.
Cesc Fabregas oo guul weyn gaaray.
kooxda uu hoggaamiyo laacibkii hore ee kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chalsea, Sesc Fabregas, ayaa iyana guul weyn gaartay kadib markii 4-1 ay kaga adkaadeen kooxda uu leyliyo tababbare Martin Demicheles ee RB Leipzig. Kooxda Fabregas ee Como oo dheeshay kulankeedi ugu horreeyay abid tartanka Champions league-ga ayay guushani u tahay dhiirri-gelin muhiim ah, iyadoo kooxdu tiigsan karta wareegga xiga ee tartanka.
Roma iyo Fenerbahce oo barbaro 1-1 ah ku heshiiyay.
kooxaha Roma iyo Fenerbahce ayaa iguna caawa xilli hore ku kala tegay natiijo garbo siman oo 1-1 ah.
Ugu dambeyn, habeenkii weynaa ee Champions League-ga ayaa sidaas ku soo dhammaaday, iyada oo Manchester united iyo Bayern Munich ay muujiyeen awooddooda, halka Cesc iyo kooxdiisuna ay leeyihiin diyaar baan u nahay habeennada caawa oo kale ah.