Champions League-ga oo la dheelay toddobaadkaan: Rikorro iyo taariikho laga dhigay asbuucaan.

0
FB_IMG_1789131400538

Toddobaadkaan waxaa la ciyaaray kulamadii ugu horreeyay ee Champions League-ga xilli ciyaareedkaan, iyada oo la diwaan geliyay rikoorro iyo taariikho cusub oo xiiso leh.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee la diwaan geliyay toddobaadkaan waxa ka mid : Sabah oo noqotay kooxdii ugu da’ yareed ee abid ciyaarta tartanka Champions league-ga. Kooxda reer Azerbaijan ee Sabah ayaa noqotay kooxdii ugu da’ yareed ee abid ka qeyb gasha tartanka Champions league-ga, iyada oo la aas-aasay wax ka yar toban sano ka hor. Sabah ayaa booqatay Garoonka Old Trafford, halkaas oo ay guul-darro 4-0 kala soo kulantay kooxda Manchester United, oo kulankaan kahor badisay mid ka mid ah 9 kulan ee ugu dambeeyay ee ay dheeshay tartankan.

Yaya Toure oo taariikh ka dhigay Champions League-ga.

Tababbaraha reer Ivory coast ayaa noqday Tababbarihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee hoggaamiya koox kulan ka tirsan tartanka Champions league-ga isaga oo hor kacayay kooxda reer Slovakia ee Sk slovan Bartslava. Yaya ayaa dhigay taariikh cusub oo Afrika u ah mid ay ku faani karaan inkasta oo ay kooxdiisu kala kulantay guul-darro 6-1 ah kooxda difaacanaysa koobkaan ee PSG.

Bayern Munich iyo kabtankeeda Manuel Neur oo taariikho sammeeyay.

Kooxda kubadda cagta ee Bayern ayaa noqotay kooxdii labaad ee 900 oo gool ka dhalisa tartamada Yurub kadib Real Madrid oo hore u sameysay sidaas. Sidoo kale kabtanka iyo gool-haya kooxdaas ayaa asna sameeyay taariikh isaga noqday Jarmalka xilli ciyaareedyada ugu badan ka soo muuqday tartankaan, isaga oo ka soo muuqday 18 xilli ciyaareed rikoorkaasna ka jebiyay saaxibkiis ay isku kooxda ahaayen Thomas Muller.

Cesc Fabregas iyo kooxdiisa Como oo bandhig cajiib ah sameeyay.

kooxda Como ee uu hoggaamiyo tababbare Cesc Fabregas ayaa iyaduna sameysay bandhig cajiib ah kulankeedi ugu horreeyay ee Champions League-ga, iyadoo wacdaro ku dhigtay kooxda Jarmalka ah ee RB Leipzig, kadib markii ay ku dubteen 4-0.

Ugu dambeyntii, waxaa toddobaadkaan Champions League-ga laga sameeyay rikoorradaas cajiibka ah, iyada oo kooxaha waaweyn ee Yurub ay caddeeyeen hammigooda ku aaddan hanashada Champions League-ga xilli ciyaareedkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *