Kooxdii ugu da’ yareyd abid ee kasoo qeyb gasha tartanka Champions League-ga ayaa caawa ciyaareysa.

0
FB_IMG_1789055239603

Maxaad ka ogtahay kooxda Sabah Fc ee ka dhisan dalka Azerbaijan, in ay tii ugu da’ yareed ee abid ka qeyb gasha tartanka Champions league-ga heerka is aragga.

kooxda Sabah fc oo la aas-aasay sannadkii 2017kii, ayaa muddo kooban gudaheed si xawli ah u kortay, iyada oo sannadkii hore ku guuleystay horyaalka dalka Azerbaijan, taas oo u sahashay in ay markii ugu horreysay ka qeyb gasho tartanka Uefa Champions League xilli ciyaareedkaan 2026_2027.

Caawa, Manchester united, oo tartankaan isaga maqneed tan iyo 2023 ayaa garoonka Masraxa riyada ku soo dhaweyn doonta kooxda dhawaan dhaladka ah ee Sabah kulankeeda ugu horreeya ee ay dheeleyso tartanYurub ah.

Sabah Fc ayaa wajihi doonta kooxo waaweyn oo ay Ka mid yihiin Manchester United, Napoli, Arsenal iyo Barcelona, iyada oo kooxdani ka soo muuqan doonta masraxyada ugu waaweyn ee kubadda cagta Yurub.

Sabah fc oo aan weli gaarin 10 sano ayaa caawa qori doonta taariikh cusub oo tartanka Uefa Champions League ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *