Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu soo biirtay kooxaha xiiseynaya saxiixa weeraryahanka da’da yar ee reer Portugal Gustavo Varela, kaasoo xilli ciyaareedkan wacdaro ka dhigaya horyaalka Serie A, isaga oo u ciyaara kooxda Monza.
21-jirkan ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahannada sida weyn looga hadal hayo kubadda cagta Talyaaniga, kaddib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah. Varela ayaa ilaa hadda dhaliyay 9 gool 9 kulan oo uu ka ciyaaray Serie A, halka tartamada oo dhan uu leeyahay 11 gool iyo hal caawin 10 kulan gudahood. Bandhiggiisa goolasha ayaa indhaha kooxo badan oo waaweyn oo Yurub ah soo jiitay.
Arsenal iyo Napoli ayaa horey u muujiyay xiisahooda ku aaddan weeraryahankan, iyadoo Arsenal ay ka mid ahayd kooxihii ugu horreeyay ee xog ka raadiya xaaladdiisa iyo heshiiskiisa. Napoli ayaa iyaduna si dhow ula socotay horumarka ciyaaryahanka, balse hadda Barcelona ayaa magaceeda ku soo biirisay tartanka loogu jiro saxiixiisa.
Wararka suuqa kala iibsiga ayaa sheegaya in Barcelona ay la socoto xaaladda Varela, maadaama kooxda reer Spain ay weli raadineyso weeraryahan mustaqbalka wax weyn ku soo kordhin kara safkeeda. Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro dalab rasmi ah oo Barcelona ay miiska u saartay Monza.
Dhanka kale, Monza ayaa ku jirta xaalad wanaagsan oo heshiiska ciyaaryahanka ah, maadaama uu qandaraas kula jiro kooxda ilaa sanadka 2030, isla markaana uusan heshiiskiisa ku jirin qodob si toos ah loogu fasixi karo. Wararka ka imaanaya Portugal ayaa tilmaamaya in Monza ay qiimaha weeraryahankan ku qiyaastay 40 ilaa 50 milyan oo euro, taasoo ka dhigan in koox kasta oo dooneysa saxiixiisa ay u baahan doonto lacag badan.
Waxaa sidoo kale arrintan xiiso u yeelaya kooxdiisii hore ee Benfica, taasoo heshiiskii ay ku iibisay Varela ku keydsatay 20% faa’iidada ka dhalata iibkiisa mustaqbalka iyo xuquuqda ay ku barbar dhigi karto dalab rasmi ah oo koox kale soo gudbiso.
Su’aasha ugu weyn ayaa hadda ah halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Gustavo Varela, iyadoo Arsenal, Napoli iyo Barcelona ay dhammaantood indhaha ku hayaan weeraryahankan da’da yar ee si weyn uga dhex muuqday Serie A. Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa noqon kara mid si weyn loo hadal hayo haddii xiisaha kooxahan uu isu beddelo dalabyo rasmi ah.