Xiddiga reer Brazil ayaa meesha ka saaray jiritaanka xifaaltan kala dhexeeya Lamine Yamal, isagoo sidoo kale ka hadlay kulanka adag ee Atlético Madrid iyo hamigiisa ah inuu xirfaddiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo Barcelona.
Kabtanka kooxda Barcelona, Raphinha, ayaa Khamiistii shalay qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxdiisa ku sii haynaya illaa 2030-ka. Munaasabadda saxiixa heshiiska kaddib, xiddiga reer Brazil ayaa shir jaraa’id kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira mustaqbalkiisa, xiriirka kala dhexeeya Lamine Yamal, kulanka Atlético Madrid iyo doorkiisa cusub ee weerarka.
Raphinha oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya inuu xifaaltan kala dhexeeyo da’yarka reer Spain ee Lamine Yamal ayaa si cad u beeniyay jiritaanka loollan labada ciyaaryahan u dhexeeya. Wuxuu sheegay inuu si weyn ugu farxo guulaha shaqsiga ah iyo kuwa kooxeed ee Yamal.
“Ma jiro wax tartan ah oo naga dhexeeya, dadka ayaa kaliya sidaas ka dhiga. Si weyn ayaan ugu farxi doonaa haddii uu ku guuleysto 10 Ballon d’Or, wuuna mudan yahay marka la eego waxa uu hadda sameynayo iyo waxa uu mustaqbalka sameyn doono,” ayuu yiri Raphinha.
Dhanka kale, kabtanka Barcelona ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka Axadda ay kooxdiisu la ciyaari doonto Atlético Madrid, isagoo muujiyay kalsoonida uu ku qabo awoodda kooxdiisa iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan inay saddexda dhibcood ka soo qaataan garoonka kooxda reer Madrid.
“Run ahaantii, waxaan ciyaareynaa kubad ay koox walba 11 ciyaaryahan ku leedahay garoonka, iyadoo labada dhinacba ay doonayaan inay guuleystaan. Atlético ayaa naga reebtay tartanka Champions league-ga sannadkii hore, inkastoo kulankii ugu dambeeyay aan ka adkaanay”.
“Waxaan u maleynayaa inaan rikoor wanaagsan ku leenahay marka aan booqanno garoonkooda. Waan ognahay awooddeena, si adag ayaan diiradda u saareynaa hadafkeena, runtii aad ayaan u xoogganahay. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan ixtiraamnaa Atlético,” ayuu yiri kabtanka Barcelona.
Intaa waxaa dheer, Raphinha ayaa sharraxaad ka bixiyay doorkiisa cusub ee weerarka, kaddib markii uu tababare Hansi Flick u adeegsaday booska weeraryahanka dhexe ee No. 9. Wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaqyada uu sameeyo marka uu booskaas ka ciyaarayo aysan wax badan ka duwanayn kuwii uu sameyn jiray markii uu garabka ka ciyaarayay.
“Dhaqdhaqaaqyada aan sameeyo marka aan booskaas ciyaarayo waa kuwii aan horay u sameyn jiray, laakiin markii aan garabka ka ciyaarayay waxaan ka fogaan jiray goosha,” ayuu yiri Raphinha.
Ugu dambeyn, xiddiga reer Brazil ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay noloshiisa Barcelona, isagoo qiray inuu jeclaan lahaa inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo kooxda reer Catalonia.
“Waa dareen wanaagsan runtii. Dhammaanteen waan ognahay wixii aan soo maray tan iyo markii aan Barcelona ku soo biiray ilaa maanta. Aad ayaan ugu faanayaa waxyaabaha aan kooxda la gaaray, shaqsi ahaan iyo koox ahaanba.”
Waxaan doonayaa inaan sannado badan halkaan sii joogo. Haddii ay ii suurtagasho inaan sii joogo anigoo weli heer sare ku ciyaaraya, dhab ahaantii waxaan jeclaan lahaa inaan xirfaddayda ciyaareed ku soo gabagabeeyo Barcelona,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Raphael Dias Belloli, oo loo yaqaan Raphinha.
Gabagabadii, Hadallada Raphinha ayaa muujinaya kalsoonida iyo sida uu ugu qanacsan yahay mustaqbalkiisa Barcelona. Heshiiska cusub ee illaa 2030-ka, taageerada uu u muujiyay Yamal iyo hamiga uu u qabo inuu xirfaddiisa ku soo afjaro Camp Nou ayaa caddeyn u ah sida uu ugu go’an yahay kooxda, xilli uu isku diyaarinayo kulanka adag ee Atlético Madrid.