Barcelona ayaa lagu wadaa iney hesho lacag dhan €1 milyan kadib markii ay Palmeiras ku guuleysatay copa Libertadores , taasoo faa’iido dhaqaale uhorseedeysa kooxda reer Catalonia oo horay u iibisay weraryahankeeda Victor Roque.
Palmeiras ayaa ku guuleystay Koobka Copa Libertadores, iyadoo guushaasi Barcelona u xaqiijineyso gunno lacageed oo qeyb ka ahayd heshiiski ay Victor Roque uga iibisay kooxda reer Brazil. Xigasho: Mundo Deportivo
Heshiiska lawada koxood ayaa lagu daray qodob dhigaya in Barcelona ay hesho €1 miylan oo dheeraad ah hadii Palmeiras ay ku guuleysato koob caalami ah inta uu Roque joogo kooxda
Guusha Copa Libertadores ayaa sidaaas ku buuxisay Shuruudihii lacagtaas lagu heli lahaa. Xigasho: Mundo Deportivo
Victor Roque ayaa qeybtii danbe kasoo galay finalka, isagoo garoonka ku qaatay daqiiqadihii ugu danbeeyay.
Inkastoo uusan waqti badan ciyaarin, guusha Palmeiras ayaa kooxda Barcelona unoqotay fursad ay lacag dheeraad ah ku hesho.
Heshiiska iibka Roque ayaa Barcelona u ogolaanaya iney hesho lacag go’an iyo gunooyin kale oo ku xiran shuruudaha heshiiska.
Lacagta cusub ee €1 milyan ah ayaa kooxda unoqon karta taageero dhaqaale oo dheeraad ah. Xigasho: Mundo Deportivo