Manchester United ayaa mar kale caawa la kulantay habeen qaraw ah, iyada oo guul-darro culus oo 4-0 kala kulantay kooxda Brentford kulan ka dhacay garoonka Old Trafford ee Manchester United. Natiijadan qarracanka ah ayaa mar kale toosh ku bidhaamisay dhibaatooyinka ka jira difaaca iyo weerarka kooxda, iyada Brentford ay si buuxda u maamushay kulanka laga billaabo daqiiqadihii ugu horreysay illaa dhammaadkii kulanka.
Brentford ayaa cayaarta ku billaabatay kalsooni iyo weerar joogto ah iyada oo ujeedkeedu ahaa in ay ka faa’iidaysato kooxdan la daala-dhacaysa bandhig xumada. Manchester ayaa dhankeeda isku dayaysay in ay xakameyso weerarka isdaba joogga ah ee kooxda marti aheyd, iyada oi dhankeeda isku dayaysay in ay fursado abuurto si ay u sameyso wax uun farxad gelin kara taageerayaasheeda.
Weeraryahankan reer England Callum Wilson ayaa noqday geesiga kulanka, kadib markii uu laba gool shabaqa Manchester United ku hubsaday daqiiqadihii 19-aad iyo 32-aad, taas oo kooxda martida ahayd siisay hoggaan 2-0 intii anan la gaarin dhammaadka qeybtii hore.
Manchester United ayaa sameysay isku dayo ay ku doonaysay in ay ciyaarta ku soo laabato, balse dadaalladeeda ayaan noqon kuwo mira-dhala, iyada oo Brentford ay si wanaagsan o xakameysay kulanka islamarkaana maaro u heshy weerarka kooban ee ay sameen weeraryahannada kooxda Manchester.
Qeybtii labaad ee dheesha Brentford ayaa sii xoojisay cadaadiska ay ku heysay kooxda martigelinaysay, waxaana goolka seddaxaad daqiiqaddii 82-aad shabaqa Lammens daba mariyay difaaca reer Norway Kristoffer Ajer, kaas oo ceel ku riday rajo kasta oo ay Manchester ka laheyd in ay kulanka ku soo laabato si ay wax dhibco ah uga hesho cayaarta.
Daqiiqadihii dheeraga ahaa gaar ahaan, daqiiqaddii 90+2, Kevin Schade ayaa dhaliyay goolka afaraad ee kooxdiisa, isaga oo dhammeystiray habeenkii farxadda lahaa ee Brentford iyo qarracankii kooxda Red Devils.
Natiijadaan maadda u eg balse dhabta ah ayaa mar kale dhalinaysa dood ku saabsan doorka tababaraha cusub ee kooxda Mauricio Pochettino oo labadii kulan ee uu kooxda hor-kacay looga badiyay natiijo isku mid ah oo ah 4-0. Sidoo kale natiijadaan ayaa ka dhigan in kooxda Manchester United ay kaliya gaartay hal guul dhammaan 12-kii kulan ee ay horyaalka dheeshay iyada oo laga badiyay 6 kulan oo ka mid ah kulamadaas. Manchester ayaa hadda fadhisa mid ka mid ah kaalmaha loogu laabto heerka hoose ee horyaalka iyada oo caawa ku baryaysa kaalinta 19-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyada oo leh 8 dhibcood oo kaliya.
Gabagabadii, guuldarradaan culus ee Manchester dusha loo saaray ayaa markale iftiimisay liidnimada difaaca Manchester, iyada oo dhanka kale shaki gelisay awooddda kooxdu rabto in ay ku tartanto heerka ugu sarreeya kubadda cagta Ingiriiska. Dhanka kale xiddigaha Brentford ayaa muujiyay awood, isku duubni iyo weerar wax ku ool ah oo si hagaagsan uga faa’iidaysan kara fursadahooda, iyaga oo Old Trafford ku sameeyay guul taariikhi ah oo ay taageerayaashoodu xasuusnaan doonan.