Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa wajahaysa fadeexad miisan leh oo dhanka difaaca ah, kaddib markii tirakoobyada la diwaan geliyay Premier League-ga illaa hadda ay muujinayaan dhibaatooyin baaxad leh oo daaha ka qaadaya liidashada difaaca ee kooxda uu hor kaco tababare Xabi Alonso.
Inkasta oo ay kooxda ku sugan yihiin laacibiin tayo badan, haddana khadka dambe ee difaaca ayaa noqday gol-jilco kooxdu leedahay oo si joogta ah ay uga faa’iidaystaan kooxaha ka soo horjeeda.
Tirakoobyada horyaalka Premier League-ga ee xilli ciyaareedkan ayaa muujinaya in kooxda ay Chelsea in ay ka mid tahay kooxaha ugu difaaca liita xilli ciyaareedkan iyada oo fadhisa kaalmaha ugu hooseeya difaac ahaan.
Blues ayaa 19-aad kaga jirta goolasha laga dhaliyay kooxaha, iyada oo laga dhaliyay 23 gool waxa kaliya ka badan oo 27 gool laga dhaliyay Kooxda Crystal Palace. Sidoo kale kaalinta 19-aad ayay ka jirtaa kooxaha wajahay lagu tuuray darbooyinka ugu badan ee gool loo filan karay, iyada sidoo kale lagu abuuray fursadaha ugu badan ee gool lagu dhalin karay.
Dhanka kale, Chelsea ayaa kaalinta 20-aad ee ugu hooseysa fadhisa marka laga hadlayo khaladaadka difaaca ee lagu ciqaabay isla markaana gool loo beddelay.
Tirakoobkayadaan ayaa caddeynaya in dhibaatada Chelsea aysan ku koobnayn kaliya hal laacib oo foom xun ku jira ama hal kulan oo kooxdu bandhig xumo sameyso, balse ay tahay arrin u baahan xal iyo dib u habeyn deg deg ah si kooxdu ugu soo laabato heerkii looga bartay ee difaaca adag iyo ku tartamidda kaalmaha sar sare.
Gabagabadii, Chelsea waxaa horyaalla shaqo adag haddii ay doonayso inay dib u hesho kalsoonida taageerayaasheeda iyo u tartamidda boosaska sare ee Premier League.
Xabi Alonso waxaa laga sugayaa inuu helo xal degdeg ah oo lagu adkeynayo khadka dambe, maadaama difaac aan isku dheellitirnayn uu halis gelin karo hamiga kooxda inta ka harsan xilli ciyaareedka.