Real Madrid ayaa xalay garoonkeeda Santiago bernabèu 1-2 kaga guuldarreystay Alavés, taas oo soo afjartay 10 gulood oo xiriir ah. Warbaahinta isbaanishka ayaa saaka si weyn uga hadashay guuldarada kooxda, iyadoo diirada lasaaray qaab ciyaareedka Madrid, difaaca Alavés iyo go’aannadii tababare José Mourinho. Xigasho: Reuters
wargeeska El Paìs ayaa guuldarada ku tilmaamay mid culus, wuxuuna sheegay in Madrid ay ka maqneyd firfircooni jireed iyo awood ay ku jibiso difaaca Alavés. Mourinho ayaa qirtay in kooxdiisu aysan laheyn firfircoonidii loo bahnaa, isagoo sheegay in ciyaartoyda ay kubadda ay haysteen balse aysan ugu bedelin goolal. Xigashada El Paìs
Cadena Ser ayaa ka hadashay dhaleeceynta Mourinho uu ujeediyay garsooraha, kaasoo uu ku eedeyay inuu jecelyahay inuu muujiyo awoodiisa. Tababaraha ayaa sidoo kale kahadlay kaarka cas ee Jude Bellingham, balse wuxuu cadeeyay in garsooruhu uusan ahyn sababta keliya ee guuldarada. Xigasho: Cadena Ser
Mourinho ayaa qirtay inuu ka xumaaday natiijada , wuxuu yiri:” Mas’uuliyadda anigaa leh, go’aanadana anigaa gaaray. Waxaan luminay dhibco aynan awoodin inaan lumino.” Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxdiisu ay ubaahneyd firifircooni dheeraad ah, isla markaana uu ubahanyahay in ciyaarta uu dib udaawado si uu jawaabo ugu helo sababihii guuldarada. Xigasho: Real Madrid
Mourinho ayaa ugu danbeyn ka hadlay falcelintii Arda Güler markii la bedelay iyo taageerayaasha oo ku qeyliyay Vinícius Jr . Wuxuu sheegay ineysan jirin baahi loo qabo in la abuuro sheekoyin ku saabsan ciyaartoyda, maadama xaqiiqda ugu weyn ay tahay in Real Madrid ay guuldareysatay oo ay si liidata u ciyaartay. Xigasho:Real Madrid