Deco oo ka hadlay mustaqbalka Alejandro Balde
Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona, Deco, ayaa ka hadlay xaaladda daafaca reer Spain ee Alejandro Balde, xilli kooxda Barcelona ay xilli ciyaareedkan albaabada u furtay bixitaankiisa.
Barcelona ayaa doonaysay inay iska iibiso Balde, balse ciyaaryahanka ayaa ku adkeystay inuu sii joogo kooxda, isagoo doorbiday inuu dagaal ugu jiro booskiisa halkii uu ka tagi lahaa Camp Nou.
Deco oo ka hadlay xaaladda ciyaaryahanka ayaa sheegay: “Waa ciyaaryahankeena, wuxuuna mustaqbal fiican ku yeelan karaa kooxaha ugu fiican dunida. Haddii uu ka badbaado dhaawacyada, wuu u ciyaari karaa kooxda, balse inuu ciyaarayo iyo in kale waa go’aanka macalinka.”
Balde ayaa xilli ciyaareedkii hore la dhibtoonayay dhaawacyo soo noqnoqday, taasoo keentay inuu kulamo badan u ciyaari waayo Barcelona. Kooxda iyo macallinkeeda Hansi Flick ayaa qorshahooda xilli ciyaareedkan ka saaray ciyaaryahankan, iyadoo Barca ay go’aansatay inay iska iibiso.
Si kastaba ha ahaatee, Balde ayaa isagu go’aansaday inuu sii joogo Barcelona, halkii uu kooxda ka tagi lahaa, isagoo doonaya inuu mar kale isku muujiyo kooxda.