Ballon d’Or: mid ka mid ah shantaan laacib ayaa ku guuleysan doona.

0
FB_IMG_1789493272447

Wargeyska L’Équipe oo si dhow ula socda arrimaha abaalmarinta Ballon d’Or ayaa boggiisa hore ee wararka maanta oi talaado ah ku soo bandhigay sawirrada shan ciyaaryahan oo loo arko inay yihiin kuwa ugu cad-cad ee ku guuleysan kara abaalmarinta sannadkan.

L’Équipe, oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan Faransiiska, isla markaana si gaar ah ugu dhuun-daloola arrimaha Ballon d’Or, ayaa warbixintiisa cusub ku bixiyay tilmaamo muujinaya shanta ciyaaryahan ee fursadda ugu weyn u heysta inay sanadkan ku guuleystaan abaalmarinta shaqsiga ugu sarreysa kubadda cagta adduunka ee Ballon d’Or.

Shanta ciyaaryahan ee wargeysku boggiisa hore ku soo daabacay ayaa kala ah Lionel Messi, Lamine Yamal, Kylian Mbappé, Harry Kane iyo Ousmane Dembélé.

Lionel Messi

Lionel Messi ayaa mar kale ka mid noqday ciyaartoyda loo arko inay fursad u leeyihiin Ballon d’Or, kadib xilli ciyaareedkii hore oo uu ku soo bandhigay waxqabad cajiib ah.

Xiddiga kooxda Inter Miami ayaa kooxdiisa ka caawiyay hanashada horyaalka MLS-ka ee dalka Mareykanka, halka uu sidoo kale xulkiisa Argentina ku hoggaamiyay in ay markii labaad oo xariir ah tagaanka finalka Koobka Adduunka.

Messi, oo 39 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 46 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 30 caawin. waxqabadkaas iyo bandhiggiisa joogtada ah ayaa ka dhigay mid ka mid ah magacyada sida weyn loogu saadaalinayo hanashada abaalmarinta Ballon D’Or markiisii 9aad.

Lamine Yamal

Mucjisada reer Spain, Lamine Yamal, ayaa isaguna qaatay xilli ciyaareed heer sare ah, isagoo kooxdiisa iyo xulkiisaba la sameeyay bandhigyo indhaha soo jiitay.

Yamal ayaa ku guuleystay LaLiga, Supercopa de España iyo Koobka Adduunka, isagoo dhammaan tartamada dhaliyay 29 gool, halka uu sameeyay 20 caawin xul iyokooxba.

Waxqabadka xiddigan da’da yar ayaa ka dhigay mid ka mid ah musharraxiinta ugu xooggan ee loollanka Ballon d’Or.

Kylian Mbappé

Kylian Mbappé ayaa sidoo kale ku jira liiska ciyaartoyda loo arko inay si dhab ah ugu tartami karaan abaalmarinta.

Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay waxqabad shaqsiyeed oo aad u wanaagsan, isagoo dhaliyay 49 gool isla markaana sameeyay 8 caawin.Tirakoobkiisa gooldhalinta ayaa Mbappé ka dhigaya mid aan si fudud looga saari karin loollanka Ballon d’Or, walow uusan ku guueleysan wax koob ah.

Harry Kane

Harry Kane ayaa isaguna ka mid ah magacyada waaweyn ee tartankan, kadib xilli ciyaareed uu ku soo bandhigay waxqabad ballaaran.Weeraryahanka Bayern Munich ayaa kooxdiisa ka caawiyay hanashada Bundesliga iyo DFB-Pokal, isagoo sidoo kale lahaa door muuqda oo gooldhalinta ah.

Kane ayaa guud ahaan dhaliyay 73 gool, isaga oo sameeyay 8 caawin, marka la isku daro kulamadii uu u ciyaaray kooxdiisa iyo xulkiisa.

Ousmane Dembélé

Ousmane Dembélé, oo ah ku guuleystihii Ballon d’Or ee sannadkii hore, ayaa sidoo kale ka mid ah shanta ciyaaryahan ee L’Équipe tilmaamay.

Xiddiga reer France ayaa mar kale sameeyay xilli ciyaareed cajiib ah, isagoo kooxdiisa ka caawiyay ku guuleysiga Champions League iyo Ligue 1.

Dembélé ayaa dhaliyay 35 gool, isaga oo sidoo kale sameeyay 16 caawin, taasoo ka dhigaysa musharrax si dhab ah u difaacan kara abaalmarintii uu sanadkii hore ku guuleystay.

Ugu dambeyntii, Yaa la hoyan doona Ballon d’Or?

Shanta ciyaaryahan ee L’Équipe soo bandhigtay waxay dhammaantood leeyihiin waxqabad iyo bandhig u saamaxaya inay ku riyoodaan hanashada abaalmarinta. Messi wuxuu ku tiirsan yahay waxqabadkiisa iyo bandhiggiisa aan da’da u joojin, halka Yamal uu matalayo jiilka cusub. Mbappé iyo Kane miiska la imaan doonaan awooddooda gooldhalineed, halka Dembélé uu doonayo inuu mar kale xaqiijiyo inuu yahay boqorka kubadda cagta Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *