Maxaad ka ogtahay kooxda ka dheesha heerka labaad ee dalkeeda ee xalay badisay kulan Europe league ah?
SCU Torreense oo ka dheesha heerka labaad ee horyaalka Portugal ayaa si taariikhi ah ku furtay ololaheeda UEFA Europa League, kadib markii 2-1 kaga adkaatay Lillestrøm oo Norway ah.
Guusha ka dhacday garoonka Åråsen Stadion ayaa ka dhigtay Torreense mid ka mid ah sheekooyinka ugu xiisaha badan tartanka xilli-ciyaareedkan, iyadoo kooxda yar ee Portugal ay hadda wajihi doonto kooxo magac weyn ku leh kubadda cagta Yurub.
Sidee ayay koox ka ciyaarta heerka labaad ee horyaalka Portugal ugu soo baxday Europa League?
Jawaabta su’aashaasi waa guushii koobka Taça de Portugal, koobka qaranka Portugal ee kooxda Torreense.
Torreense ayaa xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay koobkaas, kadib markii ay finalka 2-1 kaga adkaatay Sporting CP. Guushaasi waxay siisay kooxda xaqa ay ugu soo baxday Europa League-ga xilli-ciyaareedka 2026/27.
UEFA ayaa Torreense ku dartay 36-ka kooxood ee ku jira wejiga is aragga ee tartanka Europa League, iyadoo arrintaas ku sheegtay in kooxda reer Portugal ay tartanka ugu soo baxday ku guuleysiga koobka Portugal.
Arrinta gaarka ah ayaa ah in Torreense aysan u dallacin horyaalka heerka koowaad, taasoo ka dhigan in ay xilli-ciyaareedkan weli ka ciyaarayso heerka labaad ee Portugal.
Sidaas darteed, xaaladda Torreense waa mid aan caadi ahayn: kooxdu gudaha Portugal waxay ku ciyaaraysaa heerka labaad, halka Yurub ay kula tartamayso kooxaha ka socda horyaallada ugu sarreeya qaaradda.
Sidee UEFA ku oggolaatay in koox heerka labaad ahi dheesho tartan Yurubah?
Tartamada Yurub boosaska lagu helo ma aha kuwo dhammaantood ku salaysan kaalinta horyaalka.Koobabka qaran ayaa iyaguna siin kara koox boos ay kaga qayb gasho tartamada UEFA.
Torreense ayaa booskeeda Europa League ku heshay guushii Taça de Portugal, taasoo ka madax-bannaanayd halka ay kooxda kaga jirto nidaamka horyaalka gudaha.Taasi waa sababta Torreense ay ugu ciyaari karto Europa League iyadoo aan ka tirsanayn Primeira Liga.
UEFA waxay xilli-ciyaareedka 2026/27 ku diiwaangelisay Torreense inay tahay kooxda Portugal ee si toos ah ugu soo baxday wejiga guruubyada Europa League, iyadoo sababtau ay tahay “Portuguese Cup winners”.
Bilow riyo ah oo Yurub ah.
Torreense ayaa fursaddaas si fiican uga faa’iidaysatay kulankeedii ugu horreeyay ee Europa League-ga, iyadoo Álex Alfaro ayaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee kooxda tartamada Yurub, waxaana Torreense ugu dambayn 2-1 kaga adkaatay Lillestrøm.
Guushan ayaa sidoo kale Torreense siisay saddex dhibcood oo muhiim ah bilowga wejiga horyaalka.
Maxaa xiga?
Torreense waxay leedahay jadwal culus oo Yurub ah.Kulankeeda xiga waxay gurigeeda ku qaabili doontaa Sunderland 15-ka Oktoobar, ka hor inta aysan booqan Ferencváros toddobaad kadib.Waxaa sidoo kale sugaya kulamo ay la ciyaari doonto Celtic, Real Sociedad, Lech Poznań iyo Olympiacos.
Taasi waxay ka dhigan tahay in kooxdii ka soo baxday heerka labaad ee Portugal ay hadda leedahay fursad ay ku wajahdo qaar ka mid ah kooxaha ugu caansan Yurub.
Torreense ma ahan kooxdii ugu horreysay ee heerka labaad ka ciyaarta iyadoo isla markaana ku jirta tartan Yurub, balse waxa hore sidaa u sameeyay kooxo kale sida Birmingham City oo sidaas sameysay xilli ciyaareedkii 2011/12 iyo Wigan oo tartamada Yurub dheeshay xilli ciyaareedkii 2013/14 iyada oo markaasna ka tirsaneyd horyaalka Championship-ka.
Balse, waxa kooxdaan gaarka ka dhigaya waa in ay tartamada Yurub u soo baxday iyada oo aan ka dheeleyn horyaalka dalkeeda xilli ciyaareedkii ay soo baxaysay.
Hadda Torreense waxay haysataa saddex dhibcood iyo guul taariikhi ah oo ay ka soo qaadatay kulankeedii ugu horreeyay ee Yurub.Kooxdii Portugal ka ciyaari lahayd heerka labaad ayaa sidaas ku bilowday safar ay ku wajahayso qaaradda — waxaana laga yaabaa in kulamadeeda xiga ay sheekadeeda sii weynaan doonaan.