Gool-dhalinta Laliga waa holac sannadkaan :Raphinha iyo Mpabbe.
Gool-dhalinta oryaalka LaLiga ee dalka Spain ayaa mar kale noqotay mid aad u xiiso badan, iyadoo xiddiga reer Brazil ee Raphinha iyo weeraryahanka Real Madrid ee Kylian Mbappé ay si xooggan ugu tartamayaan hanashada gool-dhalinta xilli ciyaareedkan.
Tartanka gool-dhalinta LaLiga ayaa wixii ka dambeeyay loollankii weynaa ee u dhexeeyay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ahaa mid marba laacib uu si weyn ugu gacan sarreeyo, isaga oo aan si joogto ah u wajahin tartan adag.
Hase yeeshee, xilli ciyaareedkan waxaa muuqata in tartanku mar kale xiiso yeeshay, iyadoo Raphinha iyo Mbappé ay lixdii kulan ee ugu horreeyayba soo bandhigeen awood gool-dhalineed oo heer sare ah.
Raphinha ayaa xilli ciyaareedkan dheelaya door cusub, iyadoo tababare Hansi Flick uu u adeegsaday booska No. 9-aad, taas oo u muuqata inay si weyn u kordhisay awooddiisa gool-dhalineed.
Xiddiga reer Brazil ayaa lixdii kulan ee ugu horreeyay ee LaLiga dhaliyay 9 gool, isaga oo sidoo kale sameeyay 3 caawin.
Dhanka kale, Kylian Mbappé ayaa isna sii wata qaab ciyaareedkiisa gool-dhalineed ee Real Madrid. Weeraryahanka reer France ayaa lix kulan oo uu horyaalka ciyaaray ku dhaliyay 7 gool, isaga oo sameeyay 2 caawin.
Labadan laacib ayaa mid walba doonaya inuu kooxdiisa hoggaamiyo, isla markaana dhammaadka xilli ciyaareedka magaciisa lagu xardho abaalmarinta Pichichi-ga.
Iyadoo xilli ciyaareedku weli bilow yahay, farqiga yar ee u dhexeeya labada xiddig ayaa tartanka ka dhigay mid sii xiiso gelinaya taageerayaasha LaLiga.
Haddii Raphinha iyo Mbappé ay sii wadaan heerkan gool-dhalineed, loollanka Pichichi-ga wuxuu noqon karaa mid si weyn loo hadal hayo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo su’aashu tahay: yaa ugu dambayn noqon doona gooldhaliyaha ugu sarreeya LaLiga?