“Goolashaydu ayaga ayaa ii hadlaya” Harry Kane; Ballon d’Or.

0
FB_IMG_1789731002053

Weeraryahanka xulka seddaxda libaax, Harry Kane, ayaa sheegay inuusan jeclayn inuu si weyn uga hadlo naftiisa ama uu isagu ku dhawaaqo inuu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or, isaga oo ku adkaystay in goolashiisa iyo waxqabadkiisa garoonka ay yihiin kuwa ugu habboon ee ka hadli kara fursaddiisa.


Kane, oo ka mid ah ciyaartoyda u sharraxan hanashada abaalmarinta Ballon d’Or, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Marca, xilli uu qaatay xilli ciyaareed si weyn u xoojiyay fursaddisa hanashadaabaalmarintaan.


“Ma jecli inaan naftayda iyo waxyaabihii aan qabtay ka hadlo. Runtii, 73 gool ayaa igu filan inay ii hadlaan,” ayuu yiri Kane.


Weeraryahanka ayaa intaas ku daray in xilli ciyaareedkii hore uu ahaa kii ugu fiicnaa ee xirfaddiisa.
“Runtii wuxuu ahaa xilli ciyaareedkii iigu fiicnaa abid. Goolashuna waxay ahaayeen kuwo cajiib ah,” ayuu raaciyay.


Kane ayaa xilli ciyaareedkii hore wacdaro ka dhigay horyaalka Jarmalka, isagoo dhaliyay 73 gool, waxaana uu sidoo kale la qaaday Bayern Munich koobab ay ka mid yihiin Bundesliga iyo DFB-Pokal. Heerka xulka qaranka, England ayuu kula gaaray kaalinta saddexaad Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Mareykanka.


Waxqabadkaas ayaa Kane ka dhigay mid ka mid ah magacyada sida weyn loogu hadal hayo tartanka Ballon d’Or, inkastoo uu wajahayo loollan adag oo ay kula jiraan ciyaartoy kale oo xilli ciyaareedkoodii hore ku guuleystay koobab waaweyn.


Iyadoo xiddigaha kubadda cagta adduunku ay sugayaan cidda qaadi doonta abaalmarinta ugu weyn ee shaqsiga ah, Kane wuxuu doortay inuu hadalka ka yareeyo naftiisa—isaga oo rajaynaya in waxa uu ku sameeyay garoonka ay noqdaan doodda ugu weyn.


Goolal badan, koobab waaweyn iyo xilli ciyaareed uu ku tilmaamay kii ugu fiicnaa xirfaddiisa: Harry Kane ayaa hadda sugaya in waxqabadkiisu isaga u hadlo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *