Barcelona oo mar kale guul gaartay; Raphinha oo dhigay show kale oo cajiib ah: Hattrick.

0
FB_IMG_1789874648690

Barcelona ayaa mar kale wacdaro dhigtay, kadib markii ay 3-1 kaga adkaatay Sevilla kulan ka tirsan wareegga 7-aad ee horyaalka LaLiga.

Raphinha ayaa noqday xiddigii kulanka, isagoo dhaliyay saddexda gool ee kooxdiisa, halka Lamine Yamal uu door muhiim ah ka qaatay in kooxdiisu la hoyato seddaxda dhibcood.

Barcelona ayaa booqatay Sevilla iyadoo dooneysay inay sii wadato bandhiggeeda wanaagsan ee xilli ciyaareedkan, waxaana labada kooxood garoonka ku soo bandhigeen ciyaar xamaasad leh oo ay ka muuqatay weerar iyo cadaadis joogto ah.

Sevilla ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 19-aad, kadib markii Youssouf Fofana uu madax ku dhaliyay kubad uu si wanaagsan uga faa’iidaystay, taas oo Barcelona u dirtay leyli looga baahnaa jawaab degdeg ah.

Jawaabta Barcelona ayaa timid saddex daqiiqo kadib. Raphinha ayaa shabaqa Sevilla dhex dhigay gool aad u qurux badan, kadib baas wanaagsan oo uu ka helay Andreas Christensen, taas oo ciyaarta ka dhigtay 1-1.

Labada kooxood ayaa intii ka hartay qeybtii hore sameeyay weerarro is-daba joog ah, iyada oo mid waliba isku dayaysay inay hoggaanka la wareegto. Si kastaba, qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-1.

Barcelona ayaa qeybtii labaad ku soo laabatay cadaadis dheeraad ah, waxaana dadaalkeeda miro dhalay daqiiqaddii 52-aad. Raphinha ayaa markale shabaqa taabtay, isagoo madax ku dhaliyay karoos aad u wacnaa oo uu ka helay lugta midig ee Lamine Yamal, taas oo Barcelona siisay hoggaanka ciyaarta.

Raphinha ayaa markale dhaliyay daqiiqaddii 69-aad, isagoo dhammaystiray hat-trick-giisa, isla markaana Barcelona u xaqiijiyay saddexda dhibcood. Lamine Yamal ayaa markale ku lug lahaa goolka, isagoo bixiyay caawinta goolka saddexaad.

Sevilla ayaa isku dayday inay ciyaarta dib ugu soo laabato daqiiqadihii ugu dambeeyay, balse Barcelona ayaa si wanaagsan u maamushay ciyaarta, waxaana ugu dambeyn lagu kala baxay 3-1 oo ay Barcelona ku adkaatay.

Raphinha iyo Lamine Yamal ayaa xilli ciyaareedkan si weyn uga dhex muuqda safka hore ee Barcelona.Sida aan ka dheehan karno kulamadii ay dheelen , Yamal ayaa toddobadii kulan ee horyaalka sameeyay lix caawin, isaga oo sidoo kale dhaliyay toddoba gool. Raphinha, dhankiisa, wuxuu sameeyay saddex caawin, halka uu dhaliyay 11 gool toddobadii kulan ee LaLiga.

Gabagabadiu, Raphinha ayaa noqday geesiga Barcelona ee kulankan, isagoo saddex gool oo muhiim ah dhaliyay, halka Lamine Yamal uu markale muujiyay saameyntiisa weerarka.

Guusha 3-1 ayaa Barcelona siisay saddex dhibcood oo muhiim ah, waxayna sii xoojisay bandhigga wanaagsan ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *