Bayern Munich oo qorsheynaysa inay dalab ka gudbiso xiddig Barcelona ka tirsan marka la furo suuqa Janaayo 2027, haddaba waa kee xiddiga?

0
17854008972644

Bayern Munich ayaa qorsheynaysa inay suuqa kala iibsiga ee Janaayo 2027 u dhaqaaqdo xiddiga Barcelona ee Dani Olmo, iyadoo kooxda Jarmalku ay muddo dheer xiisaynaysay ciyaaryahanka. Warbixin ay Sky Sports soo saartay ayaa sheegaysa in Bayern ay Olmo u aragto mid ka mid ah qorshayaasheeda haddii ay mustaqbalka lumiso mid ka mid ah xiddigaheeda weerarka.

Olmo ayaa Bayern si gaar ah u bartay intii uu joogay RB Leipzig, halkaas oo uu afar xilli ciyaareed ku qaatay, isagoo dhaliyay 29 gool isla markaana sameeyay 34 caawin. Barcelona ayuu ugu biiray 2024, waxaana kooxda Catalan-ka uu u dhaliyay 20 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 20 caawin ku dhowaad 100 kulan.

Bayern ayaa hadda qiimaha Olmo lagu qiyaasayaa €70 milyan, waxaana kooxda Jarmalku ay qorsheynaysaa tallaabo suuqeed oo ku xiran xaaladda Jamal Musiala iyo Michael Olise, kuwaas oo mustaqbalkooda Bayern ay jiraan warar la xiriirinaya. Si kastaba, ma jiro heshiis ama dalab rasmi ah oo Bayern ay Barcelona u gudbisay waqtigan.

Olmo oo 28 jir ah ayaa weli muhiim ka ah qorshaha Barcelona, inkastoo xilli ciyaareedkan uu dhammaan sideedii kulan ee tartamada u saftay kooxda, saddex ka mid ahna uu ku bilowday. Saddex caawin ayuu sameeyay, taasoo muujinaysa inuu weli door ku leeyahay kooxda Hansi Flick.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *