🚨 Arsenal iyo Liverpool oo isku haya saxiixa laacibka Brentford Kevin Schade

0
download

Arsenal iyo Liverpool ayaa labaduba isha ku haya xiddiga garabka uga ciyaara Brentford ee Kevin Schade, kaas oo xilli-ciyaareedkan si wanaagsan ku bilowday.Schade ayaa shantii kulan ee ugu horreeyay Premier League dhaliyay 3 gool, waxaana qaab ciyaareedkiisa soo jiitay kooxo waaweyn oo Premier League ah.

Arsenal iyo Liverpool ayaa lagu tilmaamay labada kooxood ee sida gaarka ah u danaynaya ciyaaryahanka.Brentford ayaa dhankeeda bilaawday wada-hadallo ay Schade ugu soo bandhigayso qandaraas cusub oo waqti dheer ah, maadaama heshiiskiisa hadda ay ka harsan yihiin laba sano.

Kooxda reer London waxay doonaysaa inay mustaqbalka laacibka ku xirto heshiis cusub, iyadoo xiisaha kooxaha waaweyn uu sii kordhayo.Schade, oo Brentford kaga soo biiray Freiburg sanadkii 2023 lacag dhan £20 milyan, ayaa ilaa hadda kooxda u dhaliyay 25 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 9 caawin 119 kulan.👀

Arsenal mise Liverpool? Labaduba way la socdaan xaaladda, laakiin waqtigan xaadirka ah wax heshiis ah lama gaarin, Brentford-na waxay dadaal ugu jirtaa inay laacibkeeda sii haysato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *