Kai Havertz oo dib ugu soo laabtay Arsenal kadib dhaawac uu ka qaaday Germany

0
6633

London: Weeraryahanka Arsenal iyo xulka Germany, Kai Havertz, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisa Arsenal kadib markii uu dhaawac muruqa bowdada ah ka soo gaaray kulankii Germany ay 1-1 kula gashay Netherlands ee Nations League.

Havertz ayaa ciyaarta laga saaray qeybtii hore, isagoo dhaawaca la kulmay kadib isku dhac uu la yeeshay Quinten Timber. Xulka Germany ayaa sheegay in dhaawacu markii hore u muuqdo inuu yahay muruq jiitamay (muscle strain), balse Arsenal ayaa hadda sameynaysa baaritaanno dheeraad ah si loo ogaado heerka dhaawaca iyo muddada uu ciyaaryahanku maqnaan karo.

Ciyaaryahanka ayaa sidaas uga haray kulanka xiga ee Germany, waxaana hadda indhaha lagu hayaa natiijada baaritaanka caafimaad ee Arsenal.Havertz ayaa xilli ciyaareedkan muhiim ka ahaa qorshaha tababare Mikel Arteta, isagoo ka mid ahaa ciyaartoyda si joogto ah uga qeyb qaatay kulamadii hore ee Arsenal.

Sidaa darteed, haddii dhaawacu u baahdo waqti dheer oo soo kabasho ah, waxay saameyn ku yeelan kartaa qorshaha kooxda ee weerarka.Arsenal ayaa hadda sugaysa natiijada baaritaanka si loo ogaado haddii Havertz uu diyaar u noqon karo kulamada kooxda ee soo socda. Ilaa hadda ma jiro waqti rasmi ah oo loo cayimay soo laabashadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *