Manchester United oo saxiix cusub sameysay

0
250px-Manchester_United_FC_crest.svg

Manchester United ayaa heshiis cusub la gaartay 16-jirka Isaac Konde, kaasoo kooxda kaga soo biiraya kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool. Wararkan waxaa xaqiijiyay Fabrizio Romano, isagoo sheegay in dhammaan tallaabooyinkii rasmiga ahaa ee heshiiska la dhammeystiray.Konde ayaa kamid ahaa ciyaartoyda da’yarta ee Liverpool, waxaana lagu tilmaamaa ciyaaryahan weerar ah oo ka ciyaari kara garabka iyo sidoo kale bartamaha.

Xilli ciyaareedkii hore wuxuu lix kulan u saftay Liverpool U18, isagoo sidoo kale sameeyay hal caawin.Manchester United ayaa muddo waday qorshe ay ku xoojinayso akadeemigeeda, waxaana Konde uu kamid noqonayaa da’yarta cusub ee kooxda lagu soo kordhinayo.

Wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahanku marka hore qaadan doono heshiis waxbarasho oo hal sano ah, kadibna uu u gudbi doono heshiis xirfadeed oo shan sano ah marka uu gaaro da’da loo baahan yahay.Konde waxaa lagu yaqaan xawaare, orod toos ah iyo awood uu ku ciyaari karo labada garab.

Waxa la filayaa inuu ku biiro kooxda Manchester United U18, halkaas oo uu sii wadan doono horumarkiisa iyo la qabsiga kooxdiisa cusub.Saxiixa Konde wuxuu sidoo kale noqonayaa dhacdo xiiso leh maadaama Manchester United ay ciyaaryahan da’yar kala soo wareegtay Liverpool. Fabrizio Romano ayaa sheegay in heshiiska la dhammeystiray, iyadoo Manchester United ay hadda u diyaargarowdo ku dhawaaqista rasmiga ah ee saxiixa 16-jirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *